Garoowe[RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud ayaa si kulul u weeraray dawladda federaalka Soomaaliya xili xalay uu ka hadlaayey Xaflada Sanadguurada 15-aad ee aasaaska Puntland.
Madaxweyne Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole oo khudbad qaadatay Saacad iyo dhowr daqiiqo ayaa sheegay in dawladda federaalka ay ku Ciyaartay Dastuurkii dalka isla markaana ay sameysatay Dastuur gooni ah u ah dawladda Madaxweyne Xasan Shiikh.
Waxa uu ku goodiyey Madaxweynuhu in marba Dastuurka la badelay ahayn kii saxda ahaa laguna noqon uu noqonayo Dastuur dawlad goboleed Xamar ah ay leedahay mana ahan buu yiri key hada haystaan Dastuur Soomaaliyeed.
…”" Wax xiriir ah oo naga dhaxeynaya majiraan,wuxuu u ahaanayaa Dastuur dawlad-goboleedka Xamar ay leedahay maahan key hada haystaan kii Soomaaliya maahan, Wey u haysan karaaan hadey dawlad-goboleed Xamar dastuurkaas ku dhaqmaan laakiin mid Soomaaliyeed ma ahaanayo…””ayuu yiri.
DHAGAEYSO : Madaxweynaha Puntland oo arrimaha dawlada Federaalka ka hadlaya
Mudane Cabdirixmaan ayaa ku tilmaamay dawladda federaalka ee Soomaaliya iney u dhaqmeyso qaab kale taas inta ay jirtona maahan dawlad ka Wakiil ah Puntland.
Soomaliya iyo Somaliland
Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud oo khudbadiisu taabaneysay dhinacyo badan ayaa soo hadal qaaday wadahadalada u dhaxeeya Dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland,wxuuna sheegay iney soo dhaweynayaan tallaabadas.
…”"Somaliland-na aqoonsi bey ka raadineysaa ha isku lugooynina Xamarna ma siin kartee awood aysan lahayn yey raadin mabixin karto taasna intaas baan ka leeyahay…””ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
Puntland iyo Somaliland
Madaxweynaha Puntland ayaa Xaqiijiyey in Puntland iyo Somaliland uu u socdo wadahadal balse ma cadeyn wadahadalka labada dhinaca waxa uu ku Saabsanyahay,wuxuuna ku daray Intaas in marka horeba loo baahnaa in ay wadahadalnaa Puntland iyo Somalilnad.
….”" Xamar iyo Hargeysa waxa kawada dhaxeeya oo gooni ah anagu garanmeyno,waxay dooneysaa aqoonsi Xamar masiin karto,Xamarna uma leh awood iney wax u ogolaato iyo iney wax ka qabsatid ah anagey ahayd inaan isku hormarno wadahadana waan leenahay waa socdaa meeshu noo gaaro laakiin qaanso roobaad Hargeysiyu iyo Xamar laga talaabsaday Garoowe waxba isa siinmayaan….””ayuu yiri.
Shirka Brussels
Madaxweyne Cabdirixmaan oo faah-faahin ka bixinaayey ka qeybgalka shirka lagu wado in u ka dhaco magaalada Brussels ayaa sheegay in Puntland ka qeybgaleyso iyadoo State ah isla markaana ay afkeeda ku hadleyso taas badalkeeda ma dhacayso buu yiri in cid kale u hadasho.
…”” Anagoo State-s ah oo aan cidi noo hadleyn anagu aan wadano waxayaga qorshahayaga shanta sano waxa ku qoran ayaan la tageynaa anagaa hadleyna cid noo hadleysa majirto hadeysan taas ahayn matageyno…””ayuu yiri.
Heshiiskii Puntland iyo federaalka!!
Gabagabadii ayaa Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud waxa uu ka dhawaajiyey in heshiiskii bishii March 11,kala Saxiixdeen Rayasalwasaare Saacid aysan waxba ka dhaqan gelin,wuxuuna sheegay in hada wixii laga bilaabo aysan jirin wax lagu wadashqeeyo cidii cid u baahan la arko.
_____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso