Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumadda federaalka oo sheegtay iney ka xun tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo adeegsado dhibaatooyinka

$
0
0

astanta qaranka 1Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney si weyn uga xun tahay dhibaatooyinka loo adeegsanayo dhalinyarada Soomaaliyeed,afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka xun tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo adeegsado dagaalo xaq darro ah.

Afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay iney tahay arin aan la aqbali karin in dhalinyarada Soomaaliyeed loo adeegsado dagaalo aan xaq ahayn dalka gudahiisa iyo dibadiisa,wuxuuma tilmaamay iney la gudboon tahay dhalinyarada Soomaaliyeed iney kasoo noqdaan afkaarta qaldan ee laga dhaadhiciyey.

Ridwaan Xaaji Cabadiwali afhayeenka xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in dhalinta Soomaaliyeed ay maanta hor taalo fursad muhim ah oo u baahan iney ka faa’iideystaan,wuxuuna ku celceliyey sida loogu baahan yahay in dhalinyaradu ay uga qayb qaataan dib u dhiska iyo nabadaynta  dalka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dalka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin maskaxda iyo xoogga dhalinyarada Soomaaliyeed,wuxuuna taabtay in dowladda Soomaaliya ay dhankeeda diyaar u tahay iney ku  caawiso dhalinyarada Soomaaliyeed wax walba oo awoodeeda ah.

Hadalka kasoo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay so baxayaan warar lagu faafiyey bwarbaahinta ku hadasha afka alshabaab oo sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed oon ka barbar dagaalamayey  mucaaradka dalka Siiriya iney ku dhinteen dagaalada ka socda dalkaas,halka qaar kalane ay wali ka dagaalamayaan gudaha dalkaas.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles