Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxwayne Xassan SHiikhoow 18ka May iyo 1da Agoosto Keebaa In hambalyeeyo mudan? W/Q Cabdirashiid dhagajilic Caaqilka

$
0
0

Madaxwayne Xassan shiikhoow 18 may iyo 1da Ogoosto  Keebaa In hambalyeeyo mudan ?
Cabdirashiid dhagajilic Caaqilka
Caaqilkacmc@gmail.com
Agoosto O2 2013

MAQAALSida aan wada ognahay waxay ku beegnayd shalayto oo ahayd 1da Agoosto 2013 maalintii aasaaskii maamulka Puntland state of somalia, waana sannad guuradii 15taad laga soo bilaabo tan iyo xilligii la dhisay maamulka Puntland .

Inta badan waxaa dabbaal degyo kala duwan laga samaynayay dunida daafaheeda, oo ay damaashaadayeen dadka u dhashay deegaannada dhulka udugga, iyo dhammaan inta jecel jiritaanka nabad gelyada soomaaliyeed ama ku faraxda ummad walba oo horumar samaysa ,xataa waxaad goobaha dabaal degga sanad guurada pl ku arkaysay dad ajaanib ah oo dhashay dalal shisheeye balse ku faraxsan maalin taariikhi ah oo nabad iyo kala danbayn horseed u ahayd.

Haddaanan geedka fuulin yaa arki lahaa 

Maamulka puntland waxa aan dhihi karnaa waa maamulka keliya ee naf iyo maalba u huray jiritaan dawladda federalka ahee soomaaliya , waa maamulka keliya ee ilaa burburkii ay ku bad baadeen inka badan malaayiin soomaaliyeed oo an u dhalan , waana maamulka keliya een aan weli laga maqal gooni ugoosad iyo hadallo deelqaaf ah oo ka dhan ah danaha soomaaliyeed ama aan dayrin soomaali inteeda kale.

Waxaase ayaan darro ah ama wax laga xumaado ah in aan maalinta sidaa qiimaha u leh aanay ka qayb qaadan hambalyadeeda bogaadinna u dirin dawladda federalka ah ee uu hoggamiyo madaxwayne Xassan Sh Maxamuud , Wasiirka Koobaad ee Mudane Saacid iyo Jawaari, oo ka gaabsaday , halka madaxweyne Xasan Shiikh uu horay ugu hambalyey Somaliland oo ka goosatay dalka intiisa kale maalinta 18 May halka uu maanta ka aamusay Puntland oo Dowladiisa ka mid ah.

Cabdirashiid Dhagajilic caaqilka

Cabdirashiid Dhagajilic caaqilka

Mudane Madaxwayne waa su’aale In loo hambalyeeyo maamul dawladdaada ka mid ah ma waxaa diidaya dastuurka aad isku khilaafsan tihiin adiga iyo madaxwayne Faroole,?.

Mise way kaa noqotay?? mudane madaxwayne haddii aad qodobbo isku haysaan hoggaanka Maamulka Puntland , shacabka puntland iyakana ma qodobbo dastuurka ah bay ka horyimaadeen waa yaabe.

Nin ciid kugu saydhay calooshiisuu ku tusay

Ugu danbayntii waxaanu ku canbaaraynaynaa Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka & Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya sida ay uga gaabsadeen inay Shacabka reer Puntland ugu bishaareeyaan sanad guuradii 15-aad ee ka soo wareegtay asaaska maamulkaas.

Waxaan u aragnaa inay tahay fariin cad oo muujinaysa sida aysan DF uga raali ahayn jiritaanka Puntland anagoo ugu baaqayna shacabka reer Puntland inay gacmaha is qabsadaan lana shaqeeyaan Xukuumadooda si ay uga gaashaantaan hagar daamooyinka lala damacsan yahay.

W/Q:Cabdirashiid dhagajilic Caaqilka

E-Mail:- Caaqilkacmc@gmail.com

============

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles