Hananka Dawladnimo ee Puntland Ma Samo Talisbaa mise Waa sokeye Talis?
Cabdi Nuur Farax Maxamud
Guuleed72@hotmail.com
Agoosto 02 2013
Waxaan marka Hore Sallan Diiran garsiinaya Dhaman Shacabka Reer puntland dal Iyo Dibadbaa Meel Ay jogan baa waxana Leyahay Sanad guuro wanagsan Dhamatiin.
Waxaa Inagu Soo fooleh Doorashadii Madax waynanimo ee Dawlada Goboledka Puntland ee Soomaliyed
Waxana Ilaa Hada Dhagaha Shacbiga Reer Puntland Soo Garaya Musharaxiin Magacoda lagu baahiyey war baahinta Qaarkeed kuwaas oo an ka Xusi karo ,,
1,Gen. Cabdullaahi Siciin Samatar
2,Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
3,Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xirsi Gablax,
4,Dr. Dr.Axmed Maxamed Axmed loo yaqan Dr Saadaq)
5,Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
6,Cabdi raxman Faroole
Kadib Markii ay Burburtay Dawladii Dhexe ee soomaliya 1992 waxaa Umada Soomaliyeed U,Bilabatay kalla Carar iyo in qof walbaa uu wajiga saray meeshii uu, ka soo jeeday qoys ahana Ama qabiil ahaan Aniga oo anan taas ku dheranayn waxaa qabaa,iilada ku dhaqan dhulka loo yaqan Puntland ay dhisteen Mamul Goboled Ka kooban Qabaa,iilada Reer Puntland
ee ku midoobay Maslaxada Umada Iyo Shacbiga Ku Dhaqan Gobolada Sool Sanaag Cayn Mudug Bari Iyo Karkar Taas oo lagu Heshiyey In Xukunka Puntland Ama Madaxtinimada Puntland Ay Noqoto Mid Loo Siman yahay Taas oo ay ku dharteen Siyasiyiintii Markaas Hor boodayey Hanankii Lagu Doonayey In Lagu helo Mamul Ku dhisan Cadalad Iyo Sinan Waaxaa is Waydiin Mudan Puntland Manta Waxay jirsatay 15 Sano alle Mahad Haka gaarto waxaa Halkaas Soo garsiiyey Shacabka Reer Puntland oo ah Kuwo U bisil Hananka Wada Nolashaha Is Tixgallinta Iyo Nabad Jacaylka Taas badalkeed 14 kii Sano ee la soo Dhafay (Madaxwaynimada) Puntland Waxay ku wareegaysa Hal Qabaa,iil oo ka mida Qabaa,iiladii ku heshiyey Tallo wadaaga Waa Maxay Sababtu Mise La dhihii Karaa Waa La garay Markii Xukunka Puntland ee Madaxwaynanimo uu Ka Dagi Lahaa Laamiga Una Gudbi Lahaa Gobolada Kale Ama Siyasiyiinta Ka Soo jeeda Sool Sanaag Iyo Dagmada Goldogob
Ayada oo Loola Jeedo In Xukunka Puntland uu Noqodo Mid La wada Leyahay Mawaadin kasto oo Reer puntland ahna uu xilka qaban karo, waxaa Xusid Mudan Musharaxiinta Ku an ku soo xusay magacyadooda Inay yihiin Qaabkii Hore oo kale ama Ay ka soo wada Jeedan Hal Qabaa,iil,
Yaa dhistay Puntland
Ka dib Markii Wadatashiyo badan Ay Yeesheen isimada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Ganacsatada, iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa La go’aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso Maamul Ka Kooban Gobolada, Mudug, Bari Nugal Isla Markaasna waxaa ku soo biiray Gobolada kalle ee Sool Sanaag iyo Dagmada Buuhoodle ama Cayn, Shirkaas waxaa ka soo baxay 1,,Augosto 1998, Dowlad Goboleedka Puntland, taas oo u Tagaan inay ku midobeen qabaa,iilka ay ka dhexayso danta iyo deganka Ballaraan ee Puntland hada ka taliso in kastoo ay qabo ka mida Lumisay waqtigaas kadib , Xiligaas ka hor waxaa jiray Mamul hosaad u dhisan qaab qabiil oo an logu magac darin Mamul Goboled laakiin ahaa mid ku sallaysan qabiil Hosaad kadibna sida an kor ku soo sheegay waxaa badalay Mamul Goboledka Puntland, oo ah Gobollo isku Tagay Kuna Heshiiyey Inay Dawlad dhistan xilkana loo sinado!!
1 Augosto 1998 Qabaa,iilkii Ku shiray Garawe waxay isku Raceen inay dhistaan Mamul ay ku wada jiran Talladuna ay ka dhaxayso waxaa la isku Racay in la dhiso 3 Golle oo kalla ah Golaha
Xukuumada
Golaha Wakiilada
Golaha Garsoorka
Taas oo Odayaashii ama Isimadii Halkaas isku yimid ay soo xulen Xildhibano ka kooban 66 Xildhiban Ama Golle Barlaman waxana halkaas ka Hana qaday Mamulka Puntland ayada oo la soo dortay Madax waynihii ugu horeyay mamulka Puntland oo markaas loo doortay Allaha U naxariistee Cabdullahi Yuusuf, waxana lagu dhariyay inuu Cadalad ku Mamulo xilka loo dhiibay iyo inuu ilaliyo Danaha Bulshada Talada u dhiibatay oo ka kooban Qabaa,iilo badan. waxaa ku xigay Madax wayne Cade Muse iyo Cabdi raxman Faroole Puntland waxay jir satay 15 sano waxaa lagu dhawaqay in laga baxayo Habkii qabaa,iilka loona gudbayo Hananka Xisbiyada Badan , Waa arin fiican maxase ka Runa, mise suurtoobaysa,?
Dullucda Falladayda
Ujeedka Ama Fallada Hadii an fah fahiyo Puntland oo ah qabaa,iilo isku tagay kana kooban dhawr gobol iyo dagmooyin badan maxaa ku koobay inay madaxada P.land 14 Sano ee la soo dhafay ay isku dhibaan Hal Qabiil oo ka mida qabaa,iiladii Talada isku Gaystay 1998 waa Su,aal meesha Tal , 3 madax wayne ee soo maray Mamullka Puntland waxaa la dhihii kara Waa hal Qoys oo ka mida qabaa,iiladii Isku tagay waxana Ku Cadaynsa AUN Cabdulahi Yuusuf , markii Xilki ka dhamaday waxaa Taladii ku Qab saday Jamac Cali jamac oo ay ka soo wada jeedan isku qoys In kastoo uu san ku guulaysan Xukunkii markaas uu Raadinayay, waxana badalay Maxamuud Muuse Xirsi Cadde muuse) oo ah isla Beesha U ka soo Jeeday Cabdulahi madax waynihi 3 dexaad wuxuu noqday Cabdi Raxman Faroole oo Hada Talada Puntland haya, Su, aasha iswaydiinta mudan Qabaa,iiladii kale Ma Tanaasil ayey Ku maqan yihin?
Su, aall Is Waydiin Mudan
Waxaan Bulshada Reer puntland waydinaya qabaa,iilada kalle Ma Hogamin karan miyaa bulshada Reer puntland? mise waxaan dhihii karana waa Boqortoyo Xukunka ama Hananka Puntland ka jira Mala dhihii kara waxaa Taladodii la labtay Bulshada qaybo kamida oo markii ay Arkeen sida wax u socdaan ayay isku tashadeen sida Gobolada Sool Cayn iyo Sanaag ama Loo yaqan SSC, Waa maxay Sababta Hogamiyayasha Puntland ay Lamiga uga dagan la, yihiin ma waxaa la wayay Cid kalle oo isku soo Tagta Xilka (Madaxwayne nimo) mise waxaa lagu sharfay Halka Qoys, mise waxaa jira xukun marooqsi qarsoon,? Su,allahan Jawaabtooda waxay u Taal Shacabka Reer puntland
Damacii dimuquradiyada Puntland
Guuxa iyo is badalka hada socda oo ah midka lagu micneyay in Puntland ka baxayso qaabkii qabiilka ayna u gudbayso qaab Democracy, ah ama One man One Vote. Waxa Caqabaad Ku noqday Siyasiin Ka Soo jeeda Ragii Xukunka Soo Hayey Ilaa Asaskii Puntland Kuwaas oo Qaab Qabiil Uga Hortagay Hanankii Xisbiyada Badan ee la Rajaynayey, Siyasiintaas Mahan Kuwo ku Cusub Dhagaha Shacabka Puntlanad ee Waa Kuwo Horay u Soo Xukumay Puntland Waa Kuwo An Dhihii Karo Waxay ka ag dhaw yihin Ama isku Qoys Yihiin Madax waynaha Hada Talada Haya!!
Ma ladhihii kara Hadii ay saan ku sii socoto waxaa iman karta in nin walba uu Dagmadiisa ama Gobolkiisa Mamulo meeshana ay ka baxdo magac Puntland aniga oo taas ula jeeda in sool ay isku tashato sanaag sidoo kale Walaw Hadaba ay maqan yihiin Gobolo Mihiima So lagama yaabo hadii ay saan ku sii socoto inay imato in la is waydiiyo maxaa lagu Heshiyay 1 Augost 1998 soo lagu ma heshin in si sinan ah wax loo qab sado soo lagu ma heshiin in si Democrat ah loo wada Nolado Hadii Ay Jawaabtu Haa Tahay Maxaa Puntland Madaxwaynaheeda Ku koobay Hal Qabiil oo Kamida Qabaa,iilada Reer Puntland !!
Mihimiyada Ay ledahay in xilka Madax wayne nimo uu gaaro gobolada Sool Iyo Sanag
Waxaad la socotan intiina badan in Puntland ay Tahay dhul aad u balaran waxa kaliya ee la garsiin karana ay tahay Cadalada iyo Tallo wadaaga hadii la waayo Tallo wadaag Iyo In loo Siman yahay Hoganka Waxaa Hubal ah In la kala Tagayo Waxana Markhaati kuku Filan Waxaad la socotan In Puntland Ay lumisay Gobolada Sool Iyo Sanaag Qayb Ka mida Taas oo ku Timid Caro ka Timid Qaabka wax loo mamulayo Taas oo ah Mid Ku Salaysan Laamiga dheer ee isku Xira Galkayo Iyo Bosaso Waxaad La socotan In Ay gacanta Puntland Ka baxday Magalada Laso canood Taas oo Mihimiyad Wayn Ugu fadhiday Puntland Kana mid ahayd Goboladii Puntland lagu asasay waxaan dhihii kara Waxaa rajo laga Qabay In dadka Reer Sool lasiin doono Fursad ay ku Hogamiyaan Hoganka Sare ee Puntland Si Ay u Soo celiyan Kal soonida Shacabka Reer Sool Iyo Sanag Qaybo kamida Fursaxadaas waxay Talay Xiligii La dooranayey Xilka Puntland ee Janaayo 8, 2009 laakiin ma aysan dhiciin waxana Hoganka Puntland Qabtay Cabdi raxman faroole Kuma uu san Guulaysan Inuu Soo celiyo Gobolada Maqan Hadaba Si loo Helo Kal sooni Iyo Sinan Ka dhexaysa Shacabka Reer Puntland ee ku heshiiyey Talo wadaaga Soo lama Jogo Xiligii Ay Hoganka Puntland qaban lahayeen Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn maxaa yelay waxaa iska caad in Gobolada maqan aysan ku maqnan Xoog lagu haysto ee waxay ku maqan yihiin Caro ay ka qadan Hab Mamamulka Puntland Iyo Inan Fursad Lasiin Qabaa,iilada kale ee ku dhaqan Gobolada an soo sheegay, waana fursad wili Furan in La baahiyo Habka cadalada Puntland Si loo gaaro Barwaaqo Iyo isku kalsooni !!
Tallo ku socota Siyasiyiinta Xukunka Soo hayey Mudadii14 Sano ahayd Waxaan idin leyahay waad ku mahad santihiin halka aad puntland Soo garsiiseen Waxana Garbaha Idin Qabtay Shacab U hamuun Qaba Nabad Iyo Cadalad waxaa idin tageeray Shacab Dawlad Nimada raba Waa Inaad manta Fursad Siisan Siyasiyiinta Kale ee Reer Puntland Kana baxsan laamiga dheer ee isku Xira Bari ilaa Mudug Waa Inaad Garwaaqsatan In Puntland ay tahay Dhul Ballaaran loogana Bahan yahay Sinan iyo cadalad
Yaan Xalku Noqon Manta Jug Jugay Halkagii joog Yey san Inaga Sii fogan Gobolo Tirsanaya Cadalad daro
alle ayaa Mahadleh WSC
Waa Qore Cabdi Nuur Farax Maxamud
Ama Nuur,27@hotmail.com
Email Guuleed72@hotmail.com
=============
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM