Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dooni u Rarneed ganacsato Soomaaliyeed oo ku dagtay biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen

$
0
0

raxanreeb 1Berbera(RBC Radio) Dooni ka shiraacatay Dekeda Berbera oo   ku sii jeeday xeebta Muqawa ee dalka Yemen, ayaa ku dagtay Biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen,Doonta degtay oo u rarneed ganacssato Soomaaliyeed ayaa la tilmaamay iney sidday Xoolo loo iibgaynayey wadamada Carabta oo ka koobnaa Lo’ iyo Ari.

Arintan la xiriirta doonida ku dagtay biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa xaqiijiyey Xuseen Xaaji oo ka mid ah diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen,wuxuuna sheegay in doonnida oo la la’aa muddo Saddex Maalmood ah ugu danbayntii la xaqiijiyey iney degtay.

Wuxuuna intaa ku daray in doonidu ay u rarneed ganacsato Soomaaliya isla markaane ay kasoo shiraacatay dekedda Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya,wuxuuna xusay inaan la ogeen waxa sababay in doontaasi ay degto,balse waxaa loo aaneynayaa iyadoo lagu jiro xiliga Badxidhanka oo inta badan ay Badda ka kacaan Dabyaylo iyo Duufaano halis galiya safarka badaha.

Ganacasatadii ay doonidani u rarneed ayaa ilaa hada ka hadlin arintan,Xuseen Xaaji ayaa sheegay in doonida ay saarnaayeen dad Soomaaliya iyo Yemeniyiinba iskugu jiray.

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles