Dhuusamareeb(RBC Radio) Maamulka ahlu sunna waljamaaca ayaa shaaca ka qaaday iney go’aan deg deg ah ka qaadanayaan dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen iney ka baxday dhammaan heshiisyadii iyo ballamihii ay hore u wada galeen labada dhinac.
Gudoomiyaha Saddexda gole ee ahlu sunna waljamaaca SH Ibraahim Xasan Guureeye ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay maamulka ahlu sunna waljamaaca,wuxuuna tilmaamay in maadaama ay dowladdu ay hareer martay meelmarinta heshiisyadii al kala saxiixdeen ay go’aan dhaqso ah ka qaadan doonaan dowladda.
SH Guureeye ayaa sheegay in dowladda aysan waxba ka hirgalin heshiiskii ugu danbeeyey ee ay ku galeen gobolka Galgaduud,wuxuuna ku dhaliilay dowladda ineysan bixin Mushaharaadka ciidanka ahlu sunna ee ku sugan gobolka Galgaduud oo si buuxda loogu biiriyey ciidanka dowladda kadib heshiis ay kala saxiixdeen Labada dhinac.
Gudoomiyaha golayaasha ahlu sunna waljamaaca ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladdu aysan ahlu sunna siin qoondadii ay ku lahayd dowladda,wuxuuna ugu baaqay dowladda in golaha wasiirada ee lagu wado in isku shaandhayn lagu sameeyey laga qaybgaliyo ahlu sunna.
“Heshiis ma ogola,Ballane ma oofineyso,waxaan iskugu yeeraynaa Saddexda gole ee ahlu sunna si ay uga arinsadaan go’aanka ku haboon ee ay ka qaadan lahaayeen dowladda hadda jirta”ayuu yiri gudoomiyaha golayaasha ahlu sunna SH Ibraahim Xasan Guureeye.
Ahlu sunna ayaa dhowr jeer ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen ineysan fulin heshiisyadii ay kala saxiixdeen.
RBC Radio