Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir lagu Xalinayo Colaada gobolka Shabeelaha hoose oo Muqdisho maanta ka furmay

$
0
0

shir weynMuqdisho(RBC Radio) Kulan lagu dhexdhexaadnayo beelo walaalo ah oo dhawaanahan ku dagaalamayey gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta Muqdisho ka furmay kulanka oo ay ka qaybgalayaan,beelaha ay colaaddy u dhaxayso iyo beelaha kale ee dega gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa gar wadeen ka ah dowladda federaalka Soomaaliya oo soo qaban qaabisay.

Wasiirka Garsoorka,Awqaafta iyo arimaha Diinta dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur oo furitaanka kulanka ka hadlaya ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda beelaha ku dagaalamay Shabeelaha hoose iney xal ka gaaraan dhibaatada keentay dagaalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo isne goobta ka hadlay ayaa sheegay in doorka dowladda Soomaaliya ee shirkan uu yahay fuddeynta shirka iyo habsami u socodkiisa balse waxgaradka Labad beelood looga baahan yahay iney xaliyaan colaadda.

Shirkan ayaa waxaa hore ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya,walow qaar kamid ah waxgaradka beesha Biyamaal ay dalbadeen in shirka lagu qabto meel ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose oo ah halka ay dhibaatadu ka dhacday.

Balse waxaa markii danbe la isku raacay in gogosha nabadeed ee lagu xalinayo colaadda Shabeelaha hoose in marka hore ay ka bilaabato wajigeeda Koowaad magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka kadibne dhamaystirka lagu qabto gobolka Shabeelaha hoose.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles