Muqdisho(RBC Radio) Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Col.Cali Aadan Xumad oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta taliska AMISOM ay Muqdisho ku leeyihiin ee Xalane ayaa shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo hawlgallada ay ciidanka AMISOM ka wadaan meelo kala duwan oo dlaka ah.
Afhayeenka AMISOM Col.Cali Aadan Xumud ayaa ugu horeyntii sheegay in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay ku guuleysteen joojinta dagaal beeleed ka socday deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuma tilmaamay iney Xabbad joojin kala dhexdhigeen dhinacyadii dagaalamayey.
Col.Cali Aadan Xumud ayaa u mahad caliyey dhammaan dadkii AMISOM kala qaybgalay joojinta iyo kala qaadidada Maleyshiyo beeleedkii ku dagaalamayey deegaanada gobolka Shabeelaha hoose.
Afhayeenka ayaa dhanka kale ka warbixiyey hawlgallo culus oo ciidamada AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,wuxuuna tilmaamay in hawlgalladaas looga gol lahaa xaqiijinta amniga magaaladaas.
Col.Xumud ayaa xusay iney hawlgallaas kusoo qabqabteen dad fara badan oo uu sheegay inuu ku tuhunsan yihiin iney xiriir la leeyihiin alshabaab,wuxuuna tibaaxay iney sidoo kale hawlgalka ay ka sameeyeen magaalada Jowhar ay kusoo qabteen hub sharci darro ah oo qalqal ku ahaa amniga magaaladaasi.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho intuu uu ku guda jiray shirkiisa Jaraa’id,wuxuuna sheegay in xiliyada qaar ay magaalada ka dhacaan falal liddi ku ah amniga magaalada,balse waxa uu tilmaamay iney ka badan yihiin dhibaatooyinka dhaca kuwa ay ka hortagaan sida uu sheegay.
RBC Radio
Muqdisho