Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ayaa ka mid ah magaaloyinka dalka Soomaaliya ay sameenta ballaaran ku reebtey burburkii dowladnimo ee dalka.
Kismaayo muddo 22-sano oo dalku bur bur kujirey ma aysan helin wax dayactir ah waxana ay ka mid tahay magaaloyinka dalka ee dagaalada ugu badna ay ka dhaceen,iyadoona dhamanba kooxi ka dagaalamay dalka guddihisa ay marar is xig xiga dagaalo ku galey Kismaayo.
Magaaladda xeebta ku taal ee xiligaan bur burka xoogan ka muqdo ayaa nasib uyelatey inay saldhigg u noqoto maamulka Jubbaland oo dhawan halkaasi lugu dhisey.
Maamulka Jubbaland ee xiligaan goboladda ka arrimiya ayaa Kismaayo ka bilowdey inay dib u egto bilicdii ay magaaladda lahaan jirtey iyadoona xiligan laga bilaabey dayactir lugu samenayo goobaha muhinka uu ah bulshada.
Goobaha xiligaan dibu u dhiska ka bilowdeen waxaa ka mid ah jidaddka waa weyn ee magaaladda oo ay adegsadan dadka iyo gaadidkaba.
Qar ka mid ah shacabka ku dhaqan Kismaayo oo lahadlayey Raxanreeb.com ayaa ka warbixiyey sida ay uu arkaaan dibu dhiska uu maamulka ka bilaabey magaaladda,waxana qeybi lahadlayey Raxanreeb.com sheegen in xili loo bahnaa ay maamulku bilaaben inay dib u soo egan bur burka baaxada weyn ee xiligaan ka jira adeegyada bulshada.
…”"”Maamulka wan oga mahdineyna inay xiligii loo bahnaa ay dibu dhis ka bilaaban waddooyinka iyo goobaha bulshada muhimka uu ah,waxaa ay mu jinaysa qorshahan an hadda bilowgisa u jeedno inuu maamulka Jubbaland ee madaxweyne Axmed Madoobe mujinayaan hanaankii dowladnimo,waxan jecelnahay in labaahiyo dibu dhiska oo la garsiyo dhamanba goobaha bulsho adegsato…”"”ayey yirahdeen qar ka mid ah bulshada degan Kismaayo.
Dhinaca kale afhayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegey inay sii wadayaan howlahan ay ku doonayan inay dib ugu soo noleyaan bilicda Kismaayo.
…”"Qorshahena ugu horeya ayaa ah inan dib usoo celino bilicdii ay horey ulahed Kismaayo waxan wadnaa dadaal an ku dooneyno inan dib u dhisno oo an dayactirno goobaha muhiimka ah sida waddooyinka oo an doonayno inay noqdaan kuwo adeegoodu u dhamestiran yahay…”"”ayuu yiri afhayeenka Jubbaland.
Qorshahaan ayuu sheegey Cabdinaasir Seeraar afhayeenka maamulka Jubbaland inuu noqon doono mid ku baaha guud ahanba magaaladda Kismaayo iyagoona ku hormaraya goobaha muhiimka uu ah bulshada.
Dayactirka iyo dibu dhiska waddooyinka magaaladda Kismaayo ayaa imanaya iyagoo bur bur xoogan uu ka jiro halka kuwana ay xirmeen,balse talabadaan maamulka Jubbaland ay bilaaben ayaa noqona mid wax ka badala bur burkaasi.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio