Qardho[RBC Radio] Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Qoyska Boqorka Beelaha Daarood AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa lagu qabtay Hotel Embeeye ee magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiquraan,Duqa degmada Maxamed Siciid Hoggaamo,Nabadoonada magaaladda iyo marti sharaf kale,waxaana Ujeedada kulanku ahaa in Ummada Soomaaliyeed ee ka qeybqaadatay Aaska Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse loogu mahadcelin lahaa.
Isbarasho iyo mahadcelin ka dib ayaa kulanka hadalo kooban,waxaa kasoo Jeediyey Axmed Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo ah curadka Wiilasha Boqorkii geeriyooday,wuxuuna si gaar ah mahadcelin ballaaran usoo Jeediyey Madaxda Dawladda Federaalka,Dawladda Puntland,Dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,Nabadoonadii iyo Salaadiintii ka kala yimid Somaliland iyo Puntland sida Xushmada leh ee ay uga qeybqaateen aaska.
Wuxuu sheegay Curadka Boqor Cabdullaahi in sameynta Boqortooyada Beelaha Daarood la isugu imaan doono wakhtiga ay Munaasibka tahay isla markaana hawsheeda ay u taalo Qoyska Boqortooyada qofkii badeli lahaa lana wargelinayo dadka ay khuseyso dhawaan.
Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise iyo Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo kulanka ka hadlay ayaa iyaguna si isku mid ah Mahadcelin ballaaran u diray dadkii ka qeybqaaray aaska Boqorka,waxay sidoo kale u mahadceliyeen Qoyska Boqor ee kulanka Isku soo dubariday.
Wixii ka danbeeyey aaska AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,waxaa soo baxayey Mahadnaq ballaaarn oo ay dirayaan Qoyska iyo qabanqaabiyishii aaska,waxayna uga mahadcelinayeen sida weyn ee ay uga qeybqaateen aaska.
_____________
RBC Radio