Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xisbiga Dadka oo Xaqiray Puntland halka Soomaaliland na uu ka Saaray Dalka Soomaaliya (Akhriso Warbix uu Xisbiga Soo Saaray)

$
0
0

Warbixin uu soo saaray Xisbiga Dadka Soomaaliyeed ayaa lagu dhaliilay dowlada iney dalka gelisay xaalad nolol xumo oo la soo gudboonaatey shacabka Soomaaliyeed.

xisbiga dadka soomaaliyeed logoWuxuu Xisbiga Dadka ku soo gudbiyey warbixinta in dowlada Soomaaliya ay ku dhaliilayaan qodobo muhiim ah oo quseeya arrimaha dibedda iyo gudaha soomaaliya sida: siyaasada xariirka caalamka, siyaasada arimaha gudaha gaar ahaan: kobcinta dhaqaalaha, cadaalada bulshada, abuurista adeegyada aasasiga ee bulshada, shaqo abuurista iyo musuqmaasuqa sii baahaya ee cuuryaamiyey horukaca dowladda, iyadoo loo baahan yahay xilligan adag ee dalku marayo xaalad xasaasiya in shacabka loogu adeego taabogelinta amniga, cadaalada iyo raacida hanaanka dowlad wanaaga, taas oo horseedeysa gaarista kalsooni buuxda oo dhexmarta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed. Xisbiga Dadka wuxuu dowlada ku dhaliilayaa ka gaabinta in la furfuro hanaanka dowladnimo oo loo baahan yahay in laga qeybgeliyo dhamaan dadka Soomaaliyeed oo waayoaragnimada iyo aqoonta u leh u adeegida shacabka, taas oo meesha ka saareysa inaan awooda dowlada lagu koobin koox yar.

Qodobada dhaliisha ee arrimaha dibedda:

- Dowladdu waxay ku guuldareysatay xariirka wadamada dariska ah, gaar ahaan dowladdu waxay ka aamustay faragalinta ciidamada Kenya oo tacadiyo kula kacay shacabka degan Kismaayo.

- Waxey dowladdu ka gaabisay xariirka saaxiibtinimo ee wadamada Afrika iyo Carabta, waxeyna diirada saartay oo keliya wadamada ay dhaqso dhaqaale uga heli karto. Waxey ahayd in la soo celiyo xoojinta xiriirka wadamada ay ka mid yihiin koofur Afrika iyo Nigeria , Sacuudiga iyo Imaaraatka carbta oo ay ku nool yihiin dad tiro badan oo Soomaali ah iyo wadamo kale oo Carab iyo Afrikaanba leh.

- Madaxda dowladda oo xiriirka caalamka u adeegsata ka qeybgelida kulamada caalamka oo ay ugu yabooh tagaan ama dibeda ugu kacaan safaro isdaba jooga oo ay ku soo yaboohsanayaan helida dhaqaale iyo hanti ay si gaara u maamushaan, iyagoo aan marna shacabkooda u codsaneyn in caalamku wax u qabto, waxaana qorshe xumadooda tusaale u ah in dhaqaalaha dowladdu ay hesho uusan u soo gudbin curinta ama kobcinta dhisida kaabayaasha dhaqaale, kuwaas oo shacabka u abuuri kara adeeg bulsho iyo shaqo, nasiibdarase ay dhacdo in dhaqaalaha soo gala dowlada ay ku idlaato adeegsiga safarada iyo kharashka xafiisyada madaxda, waxeyna inta badan hantidaas ay ku dhamaata foojarada madaxda dowladu ay ku qaataan.

- Dowladdu waxay mabda’ ka dhigatay raadsiga kaalmo shisheeye taasoo dhalineysa inaysan u madax banaanayn maamulka kaalmadaas lagu soo yaboohsaday magaca ummadda Soomaaliyeed, islamarkaasna ay taas u wehliso in shirkado shisheeye ay lacagta xoogeeda dib ugu noqoto. Kaalmadaas shisheeyaha ku milan waxaa ka dhasha xirfadeynta musuqmaasuqa gudaha fududeyntiisa. Waxaa haboon in maamulka dowladdu ay wadamada hodanka ah u adeegsato xariirkeeda caalamka si ay uga hesho amaah lagu hirgelinayo mashaariic lagu hormarinayo koboca dhaqaalaha, laguna abuurayo shaqooyin curiya adeegyo badan oo lagu haqabtirayo baahida ay bulshadu u qabto aasaasida adeegyadeeda lama huraanka ah.

Qodobada dhaliisha ee siyaasada arrimaha gudaha:

- Wuxuu Xisbiga Dadka ku dhaliilayaa dowlada inaysan diyaar u ahayn in laga maarmo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, waxaana taas marqaati u ah in goobaha sida gaarka astaanta ugu ah qarannimada Soomaaliyeed sida: madaxtooyada, golaha shacbiga, xaruumaha taliska ciidanka, garoonka dayuuradaha iyo dekadda ay gacanta ugu jirto ciidamada shisheeye, kuwaas oo gacan ku haynta ciidanka Soomaaliyeed ay si wadaninimo leh shacabka Soomaaliyeed ugu muujineysa jiritaanka ismaamul soomaaliyeed oo madaxbanana.

- Dowladdu waxay wax ka qaban weysay musuqmaasuqa ka jira hey’addaha dhaqaalaha sida Bangiga dhexe, canshuuraadka maamulka gobolka banaadir, dekadda iyo goroonka oo dhaqaalaha ka soo gala goobahaas aan shacabka loogu abuurin shaqoooyin ama waxtar u daneynaya baahida loo qabo adeegyada bulshada.

- Dowladdu waxay ku guuldareysatay inaysan gacanteeda ku jirin hal gobol, waxaana muuqata in gobolada waqooyi Bari, gobolada Dhexe, Baay iyo Bokool looga taliyo Addis Ababa, meesha gobolada Shabeele iyo Banaadir ay gacanta ugu jirto maamulida ciidamada shisheeye ee AMISOM, halka gobolada Jubooyinka looga taliyo Nairobi. Waxaa guuldareystey hanaanka xiriirinta iyo habdhaqanka dowladu ay ku qabyaaladeysey siyaasada maamul u sameynta gobolada, waxaana taas marqaati ka ah fashilkii dowlada uga yimid maamul u sameynta Kismaayo.

- Dowladda waxaysan hirgelin kala saaridda he’adaha sare ee dowladda sida: madaxtooyada, baarlamaanka iyo garsoorka, waxaana taas kuu cadayneysa in gudoomiyaha baarlamaanka marna yahay gudoomiye marna kusime madaxweyne, waxayna isku milankaas ay astaan u noqoneysaa musuq siyaasadeed oo meesha ka saareysa is xisaabinta u dhaxaysa Baarlamaanka iyo madaxtooyada.

- Dowladu waxey ku guuldareysatay horukac ku yimaada koboca dhaqaalaha. Tan iyo markii dowladdu xilka la wareegtay waxaa yaraaday awoodii wax iibsashada shacabka, taasina waxay horseedi kartaa qalqal guud oo ku yimaada nolosha dadka, taas oo wadata qatarta kacdoono shacab oo dowladda dumiya.

- Xisbiga Dadka Soomaaliyeed wuxuu ku dhaliilayaa dowladdu iney gacmaha ka laabatay cabashada shacabka oo quseeya boobka dhulkii hantida guud oo laga barakicinayo isla markaasna laga iibinaayo ganacsato burcada, taas oo dhalisay kalsooni darida shacabka.

Talo soo jeedin

Xisbiga Dadka Soomaaliyeed waxa uu talo u soo jeedinayaa Shacabka iyo dowladda soomaaliyeed.

- Shacabka waa in ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara qas dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye, dulqaadna ay u yeeshaan xaaladaha adag ee la soo gudboonaaday shacabka soomaaliyeed hadii ay ahaan lahayd dhaqaalaha liita, amni darida iyo dowladnimoxumo.

- Madaxda dowladda waxaa la gudboon in ay furfuraan xanibaada soo wajahday lacag la’ aanta heysata shacabka, waxaana lagama maarmaan ah maaliyadda soo gasha dowladda in adeeg iyo shaqo loogu abuuro shacabka, taas oo loo marayo hirgalinta mashaariic dib loogu dhisayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida: wadooyinka, buundooyinka, dekadadaha, garoomada, dugsiyada iyo isbitaalada. Mashruucyadaas waxey shacabka ka haqabtireyaan baahida loo qaabo howlaha lagama maarmaanka u ah adeegyada bulshada iyo kuwaas oo dhalinyarada u abuuraya shaqooyin fara badan.

- Dowladdu waa in ay u madaxbanaaneyso howl-wadeenada ay dowladu adeegyada kala duwan u xilsaartay, taasi waxay meesha ka saareysaa in awooda howl socodsiinta ee adeega dowlada aysan xarun u noqon madaxtooyada keliya, waxeyna suurto galinaysaa in si madaxbanaan loo la xisaabtamo howlaha ay madaxdu u xil saaran yihiin iyo in shacabku helo madax leh meel loogu hagaago oo ay u gudbiyaan cabashadooda.

- Dowladda waxaan kula talinaynaa in ay la timaado qorshe ay ku rarto, dib u dajinna ugu samayso dadka ku soo barakacay Muqdisho, inta ka horeysana xaqooda wadaninimo la ilaaliyo sida amnigooda iyo maciishada noloshooda.

Golaha Fulinta ee Xisbiga Dadka Soomaaliyeed

Muqdisho – Soomaaliya

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles