Muqdisho(RBC Radio) Taliska AMISOM ayaa sheegay iney sugi doonaan aniga Samafalayaasha reer Turki ee mashaariicda kala duwan ka wada gudaha Soomaaliya afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM Col. Cali Aadan Xumud ayaa ugu horeyntii cambaareeyey weerarkii lagu bartilmaameedsaday shaqaalaha Turkiga isagoona si kulul u cambaareeyey weerarkaasi.
Col.Cali Aadan Xumud ayaa sheegay iney weerarkaas ka danbeeyeen dad aan u naxayn shacabka Soomaaliyeed isla markaane kasoo horjeeda dib u dhiska iyo soo celinta xasiloonidii dalka Soomaaliya,wuxuuna daboolka ka qaaday in taliska AMISOM uusan waxba ka hagradn doonin sugida amniga Shaqaalaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka nabad ilaalinta AMISOM Col. Cali Aadan ayaa ku nuuxnuuxsaday in alshabaab uu gabbalkoodu dhacay sida uu hadalka u yiri,wuxuuna ku tilmaamay weerarada ay geysanayaan kuwa Muujinaya tabar darradooda iyo dhammaanshahooda sida uu hadalka u dhigay.
Col. Cali Aadan Xumud ayaa hoosta ka xariiqay in ummadda Soomaaliyeed ay kasoo daashay dhibaato iyo rafaad xilligane aysan u baahneen dhib intaa ka badan,wuxuuna dhanka kale tacsi u diray ehelada dakii ku dhintay weerarkaas,isagoona Alle uga baryey kuwii ku dhaawacmay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.
Hadalka kasoo baxay taliska AMISOM ayaa kusoo beegmay xilli alshabaab ay ku hanjabeen iney beegsan doonaan shaqaalaha Turkiga ee Soomaaliya ka hawlgalaya hadii aysan faraha kala bixin arimaha Soomaaliya gabi ahaane ka bixin dalka.
RBC Radio