Dalka Turkiga waxaa maantey lugu aasey askarigii ilaalada uu ahaa safaaradda Turkiga ee Soomaaliya,kasoo ku geeryoodey qaraxii ismiidaamin oo Muqdisho dhawaan ka dhacay.
Sinan Yilmaz oo ah askariga geeryoodey ayaa sabtidii anu soo dhafney waxaa haleeley weerar lugu soo qadey safaaradda uu dalkiisu kulahaa magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.
Aas qaran ayaa loo sameeyey askarigaan iyadoona masuulinyin Soomaali iyo Turkigaba ah ay ka soo qeyb galeen aaskisa.
Soomaaliya waxaa aaska uga qeyb galey danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Maxamed Mursal,kaaso aaska ku mujiyey inay ka xunyihiin geeridaan ku timid aaskarigaan ilaalada uu ahaa safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
“Waxaan idin caddenayna inan ka xunahay geeridan ku timid askariga,shacabka Soomaaliyed iyo dowladdaba waxay kamahad celinayaan taageerada walaal tinimo ee ad nala garab taagantihiin,waxana idin sida tacsi katimid madaxda qaranka”ayuu ka yiri aaska saafirka.
Qar ka mid ah ehelada aaskariga ayaa iyaguna kasoo qeyb galey aaska,iyagoona sheegey inay geeridu xaqtahay ayna saamen kuyilen doonin walaal tinimada dhextaala shacabka Soomaaliyed iyo kuwa Turkiga.
Wasiirka Arrimaha gudaha Turkiga oo ka hadlay aaska askarigooda uga dhintay Muqdisho ayaa sheegay in ay sii wadi doonan shaqooyinkoda ay ka hayaan Soomaaliya aysana u joojin dooni haddii ay xataa tiro kale ka geeryoodo.
Askarigaan ayaa ah kii ugu horeyey ee Soomaaliya kaga geryooda Turkiga tan iyo markii ay Soomaaliya ka bilaaben mashaaricda horumarined ee ay Soomaalida ku taageerayan.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo