Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Qaramada Midoobay oo sheegtay in sii wadayaan taageerida Soomaaliya xilli Muqdisho qaraxyo lagula eeganayo Shaqaalaha samafalka

$
0
0

golaha amaankaNew York(RBC Radio) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weerada lagu qaadayo dadka Samafalka ka wada gudaha Soomaaliya ineysan hakin doonin dadaalada lagu caawinayo Soomaaliya,war kasoo baxay xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban-ki Moon ayaa waxaa si kulul loogu dhaleeceeyey weerarkii 27kii bishan lagu qaaday shaqaalaha dalka Turkiga.

“Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon wuxuu si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday shaqaalaha Safaarada Turkiga dhismaha ay ka daganaayeen magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri war uu warbaahinta siiyey afhayeenka Ban-ki Moon.

Warka kasoo baxay xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ayaa waxaa lagu sheegay in weerarada argagixiso ee lagu bartilmaameedsanayo dadka ka shaqayna caawinta Soomaaliya ineysan hoos u dhigi doonin taageerida Soomaaliya.

Ban-ki Moon ayaa dhanka kale tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii isqarxinta ahaa ee lagu qaaday Qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Wuxuuna tilmaamay xog-hayaha guud in si deg deg loogu baahan yahay in caddaalada loo horkeeno kooxihii masuulka ka ahaa weerarkaas,alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaas  ayaa ku goodiyey iney sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah shaqaalaha Turkiga ah iyo cid walba oo gacan siinaysa dowladda Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles