Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Wasiir Indha-guran”Dhalinyarada Puntland fursad ayaa uga banaan ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee lasoo dhisayo”

$
0
0
Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha  Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran

Gaalkacyo[RBC Radio]Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle “Indha-guran”ayaa dhalinyarada Puntland baaq ugu direy inay ka dhex muqdaan xildhibaanada cusub ee badali doona kan xiligaan jira.

“Waxaa ku qoran siyaasada hormurinta dhalinyarada Puntland inay dhalinyarada ka qeyb qaatan dhamaan hay’addaha dowliga ah iyo kuwa an dowliga aheyn ee Puntland ka jira,hay’adda baarlamaanku waa hay’add dowli ah oo ah mida wakiilka ka ah bulshada, bulshadana dhalinyarada ubadan,marka haddii la dooranayo wakiilka bulshada waxaa idiin taal dhalinyaroy inad ka mid noqootaan wakiilki bulshada”ayuu wasiir Indha-guran.

Wasiirku waxaa uu sheegey in haddii dhalinyarada Puntland ay ka dhex muqdaan xildhibaanada lugu wado inay badalaan kuwa hadda jira inay u fududeen doonto dhalinyarada xuquuqda ay ku dhex leeyihiin bulshada ayna ka helayaan qareen iyo cid udooda xuquuqda dhallinyarada taasina ay yareeynayso dhibaatooyinka xilligaan dhalinyarada haysta.

“Fursadda xiligaan idin banaan haddii ad ka faa’ideysatan waxad heli doontan xaquuqdina iyadoona ay dheertahay inad he shaan cid xaquuqdina idin soo dhicisa,hadad heshan xaquuqda ad bulshada ku dhex leedihin waxaa yaran doona dhibaatooyinka xilligaan dhalinyarada haysata”ayuu yiri wasiirku.

Dhalinyarada Puntland

Dhalinyarada Puntland

Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa dhalinyarada ku tilmaamey inay yihiin kuwo isbadal ka dhalin kara dalka haddii lugu dhirigaliyo oo an la niyad jabin inay ka mid noqdaan siyaasada dalka intooda buuxisa sharudaha ka mid ahansho ee boosaska ay rabaan.

“Qaar kin waa kuwo haddii la dhiiri-geliyo buuxin kara boosas badan oo siyaasada ah, waxaa tihiin kuwo isbadal dhalin kara,ku dhiirada inad isku garab siisan sidii ad doorkina ugu yelan laheeyden siyaasada dalka oo xiligaan sidad aragtanba ay idin kaga banaanyihin fursado badan”ayuu u sheegey wasiirku dhalinyarada.

Indho-Guran, ayaa dhankiisa ballan qaad u sameeyay dhalinyarada, kaasoo ku aaddan inuu gacan siin doono gabadhii ama wiilkii iskusoo sharaxa xubinimo baarlamaana cusub.

Wasiirka ayaa hadaladaan jeediyey kadib kulan uu magaaladda Garoowe kula yeeshey qar ka mid ah dhalinyarada Puntland,kuwaaso ka arrinsanayey dhismaha dalada ururrada dhalinyarada ee Puntland yeelato.

Bilaha soo socda ayaa lugu wada inay deegaanada Puntland ka bilaabato qaban qaabada lugu soo dhisayo baarlamaan cusub oo hab qabaa’il ku yimaada kuwaaso badalaya xildhibaanada xiligaan jira.

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Trending Articles