Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Maamulka magaalada Jowhar oo ka warbixiyey hawlgallo ballaaran oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaaladaasi

$
0
0

jowhartaJowhar(RBC Radio) Maamulka magaalada Jowhar ee xarunt a gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka warbixiyey hawlgallo baaxad weyn oo saacado badan qaatay kuwaas oo shalay ay  magaalada Jowhar ay ka sameeyeen cidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Xaaji Caqiil oo warbaahinta la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey hawlgallo ballaaran oo ciidamada isgarabsanaya ay shalay ka sameeyeen inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar,gudoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalladaas looga gol lahaa xaqiijinta nabadgalyada xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ee Jowhar.

Maxamed Amiin ayaa tilmaamay iney hawlgallada kusoo qabqabteen,dad ay ku tuhunsan yihiin iney ka tirsan yihiin alshabaab,Hub iyo Dirayska ciidamada oo qayb ka ahaa falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca magaalada Jowhar,gudoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ay kusoo qabqabteen hawlgalka ay ku jiraan xabsiga magaaladaasi,wuxuuna tibaaxay iney baaritaano ku socdaan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay iney xoroyadooda dib u heli doonaan maanta ciddii danbi lagu waayo,wuxuuna sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga magaalada Jowhar,wuxuuna xusay in hawlgalladani ay sii socon doonaan ilaa ay ka gaaraan tuulooyinka ka baxsan magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha magaalada Jowhar  ayaa sheegay iney hirgalinayaan nidaamka derisaynta oo uu sheegay in 50kii gurigaba loo samayn doono derisayn si loola socdo dadka kusoo biira xaafadaha magaalada,taasoo uu sheegay iney amniga wax badan ka qaban doonto.

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Trending Articles