Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Kulankii shalay ay Villa-Soomaaliya ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo warbaahinta madax-bannaan oo la tilmaamay in ujeedkii laga lahaa laga Marin habaabiyey(Warbixin)

$
0
0

xasan SH SaxaafaddaMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliay Xasan SH Maxamuud ayaa shalay galinkii danbe Muqdisho kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Soomaaliyeed,ujeedka kulanka ayaa ahaa in madaxweynaha iyo Wariyaasha Soomaaliyeed ay isla falanqeeyaan xeerka Saxaafadda ee ay meelmariyeen golaha wasiirada Soomaaliya kaasoo ay cabasho badan ka keeneen Warbaahinta madax bannaani.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen inta badan wariyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka Madaxtooyada Villa-Soomaaliya,qaar badan oo kamid ahaa wariyaashii madasha lagu marti qaaday ayaa markii uu soo dhammaaday shirkaasi waxa ay ku tilmaameen shirqool iyo hagardaamo loo dhigay Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Wariyaasha ka cawday sida uu u dhacay kulanka ayaa sheegay in qorshuhu uu markii hore ahaa in wariyaasha kulanka lagu casuumay ay madaxweynaha si toos ah u hordhigaan aragtidooda ku aaddan sharcigan iyo waxyaabaha ay tabanayaan ee ay doonayaan in sharciga laga bedelo ka hor inta aan la horgeyn golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Balse waxa ay sheegeen in ajandihii shirkaas gabi ahaanba la marin habaabiyey isla markaane waxa shalay halkaas ka dhacay uu ahaa wax ka yaabiyey Saxafiyiintii goobta joogay,uuna ahaa afduub cad oo lagula kacay aragtida Saxaafadda madaxa bannaan ee ku saabsanayd sharciga xeerka Saxaafadda.

Waxaana ay ku doodeen in markii la gudagalay qaybinta hadalka ay goobta ka hadleen rag la dhacsanaa sharcigan kuwaas la sheegay ineysan ka turjumin aragtida dhabta ah ee ay qabeen wariyaashii madasha ku sugnaa,waxaana eedda ugu badan ee arintaasi dusha laga saaray afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow.

Yariisow ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu meesha keenay dhowr ruux oo isagu uu soo diyaariyey kuwaas oo madaxweynaha hortiisa ka sheegay in dhammaan saxaafaddu ay aqbashay sharciga Saxaafadda,waxaana ay intooda badan ku warameen in Makarafoonka loo diiday iney ka hadlaan marka laga reebo 5 ruux oo markii horaba lasoo diyaariyey kuwaas oo madasha ka sheegay aragti aan ahayn midii ay qabeen inta badan Saxafiyiintii goobta ku sugnaa,arintaas oo dhalisay caro iyo buuq badan.

Suxufiyiin madasha kulanka ka qaybgalay kuwaas oo saluugsanaa sida ay wax u dheceen ayaa inoo sheegay in kulanka madaxtooyada ka dhacay uu gunaanad u ahaa kulamo soo socday muddo 3maalmood ah kuwaas oo ay wateen dad gaara isla markaane ay ku lug leeyihiin Ajaanib dana gaara wata sida uu sheegay gudoomiyaha Maxamed Shariifka oo gudoomiye ka ah ururka Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho dhawaan looga dhawaaqay.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud

Markii lasoo gaaray in hadalka lagu wareejiyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa waxaa goobta ka istaagay qaar kamid ah Saxafiyiinta oo ka xumaaday sida loola dhaqmay,kuwaas oo qaarkood kuraasta ka istaagay madaxweynaha hortiisa ka sheegay iyaga oo caraysan ineysan meesha ka dhicin wax cadaalad ku salaysan.

Madaxweynaha oo dareemay guuxa iyo cabashada ka imaaneysay inta badan wariyaashii goobta ku sugnaa ee la hareermaray dhegeysiga fikirkooda ayaa wariyaasha ugu qalbi qaboojiyey iney isdajiyaan,wuxuuna saxafiyiinta u sheegay inuu kulan kale la qaadan doono,si qota dheerne ay uga wada hadli doonaan.

Madaxweynaha ayaa goobta ka sheegay in sababta ugu weyn ee sharcigan loo keenay iney tahay in dowladdu ay raadiso xuquuqaha saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo amnigooda,wuxuuna shaaca ka qaaday in xuquuqda wariyaasha si weyn loogu tunto arintaasne aysan dowladdu marnaba aqbali doonin.

“Dal kasta iyo Ummad walba xeerkooda waxuu  ka jawaabaa daruufaha heysta, xeerkan  anaga ayaa leh daruufaheena ayuuna  ka jawaabayaa, sida aad og-tihiin sharciga waxa uu xooga saarayaa xaquuqda saxafiga, Dowladda Soomaaliyeed marnaba ma ogolaandoonto magac shaqo ku bedelasho, waa in uu jiraa mushaar ama gunno, sababaha xeerka loo abuuray ayeyna ka mid tahay,Dowladdu waxay qorsheyneeysaa in saxaafadda Soomaaliyeed siiso tababar kor loogu qaadayo xirfadooda” ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa Saxaafadda dhankeeda ka codsaday iney dowladda kala qayb qaadato sugidda amniga,wuxuuna farta ku fiiqay in Suxufiyiintu ay yihiin dadka ugu horeeya ee la beegsado ayna taargad u noqdeen shaqada culus ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna ku ammaanay sida ay ugu dhabar adaygeen u shaqaynta bulshadooda xilli ay wajahayaan dilal iyo hanjabaad joogto ah.

Kulanka shalay uu madaxweynuhu la qaatay Saxaafadda madaxa bannaan ayaa waxaa jira xarumo warbaahineed oo Muqdisho ku yaal kuwaas oo aan kulanka looga yeerin,maantane waxaa Muqdisho laga abaabulayaa kulamo kale oo mucaaradaya kulankii shalay oo wariyaasha madaxa bannaan ee goobta tagay  ay ku sheegeen inuu ahaa majarahabaabin iyo afduub saxaafadda loo geystay.

 

 

Cawil Caadil Maxamuud

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Trending Articles