Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka war hayaan qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay maleegayaan alshabaab kuwaas oo ay damacsan yihiin iney ka fuliyaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey iney jiraan Gaadiid fara badan oo lagu soo raray walxaha qarxa kuwaas oo la doonayo in lagu dhibaateeyo ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay in laamaha amnigu ay si weyn ula socdaan dadaal fara badane ay ugu jiraan sidii uga hortagi lahaayeen.
“Macluumaadka ay helayaan laamaha amniga waxa ay tilmaamayaan in gawaari lasoo miineeyey ay magaalada ku jiraan,wey adag tahay in magaalo ay ku nool yihiin 2 Milayn oo ruux laga dhex raadiyo gaari Miinaysan,awoodda ciidanku waa ay yartahay,qalab ku filane ma haystaan sidaas ooy tahayne wey dadaalayaan,waxbadane wey baajiyeen”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.
Madaxweynaha ataa xusay in dalka amnigiisa uu qof walba oo mawaadin ah xil kasaaran yahay,wuxuuna tibaaxay inuu aaminsan yahay in sida kaliya ee amniga lagu sugi karo ay tahay iney Iskaashadaan Askarta iyo Saxaafadda,wuxuuna tilmaamay in askarigu uu qaban karo ilaalo oo kaliya balse wacyi galinta,dajinta shacabka iyo gudbinta wararka nabadda kaabaya ay awood u leeyihiin wariyaasha Soomaaliyeed.
Wuxuuna ka dalbaday in Saxaafaddu ay shacabka u gudbiyaan warar kaabaya amniga,Madaxweynaha ayaa sidoo kale wariyaasha ka codsaday iney shacabka gaarsiiyaan in dhibaatada dhacday kuwa kale oo ka badan laga hortagay oo la baajiyey si ay shacabku kalsooni iyo niyadsami ugu abuuranto.