Puntland: Maraaxilkii lasoo maray iyo Caqabadaha Siyaasadeed ee muuqda xiliga kala guurka.
Yaasiin M Yaabarag
yabarag2@yahoo.com
Luulyo 30 2013
Horudhac:
Tan iyo asaaskii Puntland 1998, Puntland waxay soo martay marxalado siyaasadeed, dhaqan- dhaqaale oo kala duwan. Waqti kastaahi wuxuu lahaa fasiraadiisa gaarka ah, ayadoo lagu cabirayo ama halbeeg looga dhigayo xaaladihii ku xeeranaa ee markaa jiray. Aragtida ama ujeedooyinkii loo dhisay Puntland waxaa ugu waawaynaa, in dadka mandaqadani ay helaan nidaam (Xeer iyo qawaaniin) ay isku maamulaan oo kala xadeeya isla markaana danahooda gaar iyo kooda guudba u adeega. In Puntland ay hesho siyaasad xeeladaysan oo ay kula macaamisho soomaalida kale iyo caalamkaba, kana turjuma tilmaan cadna ka bixiya sawirka runta ah ee mandaqada iyo himilooyinkooda siyaasadeed, mustaqbalka dhow iyo kan fogba. In maadaama ay Dowladii Soomaaliyeed burburtay laisku tashado, lana hormariyo dhamaan adeegyada bulshadda, kaabayaasha dhaqaalaha IWM . Ayadoo aan cidna marti loogu ahayn.
Maamuladii soo maray Puntland:
Maamuladii isaga danbeeyay Puntland, waxay ahaayeen kuwo la kufaa kacaayay xiisadihii siyaasadeed ee sida hirarka badda mandaqadda u garaacayay. waxaana la orankaraa, way dadaaleen intii awoodooda ah, in ay Puntland oo bad qabta ka gudbiyaan khatarihii kaga imaanayay dhinacyo badan.
Hasa yeeshee waxay qaarkood ka gaabiyeen inay isku wadaan difaaca Puntland iyo wax uun horumar ah, oo dhinaca arimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa jiray khaladaad badan oo siyaasadeed, oo salka ku hayay alaaba mudo kororsi iyo in aan laga soo bixin balanqaadyadii la galay. Amaba sidii heshiisku ahaa, in doorasho lagalo markii Xukuumaddu xiligeeda dhamaado.
Waxaa dhacay dagaalo dhiig ku daatay oo aan loo baahnayn amaba laga baaqsan karay. Sharcigii la dhigtay wuxuu noqday mid gala jeebka Madaxwaynaha markaas talada haya. Baarlamaankuna wuxuu marti u noqday shilimaadka laga soo aruuriyo shacabka oo ku jira gacanta Xukuumadda, si aan xisaab celin cad lahayn.
Maxkamad sare oo ay Puntland yeelataa waxay noqotay mid aan sinaba ku suurto galayn, waxaana si cad u hor istaagay dhamaan xukuumadihii Puntland soo maray.
Waxaa xusid mudan in mararka qaar awooda la saarayay raadin iyo baadigoob loogu jiray dhismo Dowlad Federal ah oo Soomaaliyeed, taasoo kalifaysay inaan waxba loo hanbayn shacab waynihii Puntland ee nidaamkaan samaystay. Waxay dadka inta baddani qabaan inay waajib dastuuri ah tahay in la doono Soomali wayn, juhdi iyo dhaqaalana lagu bixiyo sidii loo heli lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo Federal ah. Balse su’aashu waxay tahay ilaa xadkee??.
Dowlada hada jirta ee Madaxwayne C/raxman Faroole waxay puntland kusoo kordhisay siyaasad firfircoon oo aan horay looga baran madaxdii ka horaysay: Siyaasadahaas waxaa ka mid ahaa, abuurid dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo gudo iyo dibad ba ah , xiriir toosa oo beesha caalamka lala yeeshay. Dalab beesha caalamka ay Puntland kaga dalbanayso inay hesho wixii ay xaqa ugu lahayd kaalmada lagu bixiyo magaca Soomaaliyeed.
Abuuris Ciidamo Nabadgalyo kala duwan oo la isku halayn karo, kuwaasoo suurto galiyay in Puntland ay marti galiso shirar waawayn oo caalamiya, inta badana lagu qaban jiray dalalka dariska. Waxaa ayana xusid mudan sarakicii xiriirka jaaliyada dibada iyo Dowlada. Inkastoo aan la dhamaystirin dhamaan balanqaadyadii shacabku filayeen, meelo badana laga gaabiyay in guulo la taabankaro laga gaaro, hadana waxaa hoosta laga xariiqayaa in maanta ay Puntland ka jirto Dowlad dhamaystiran oo lagu aamini karo Dalka iyo Dadka.
Nidaamka Asxaabta Badan:
Nidaamka asxaabtu ma ahan wax sahlan oo si fudud lagu dhaqan galinkaro. waa nidaam ay dhigteen bulshooyinka horumaray ee aduunka. Waa nidaam u baahan xadaarad iyo faham qoto dheer iyo bisayl, bulsho leh aqoon iyo garasho fog, oo ka turjumi karta cida ay yihiin iyo waxa ay doonayaan inay helaan ama noqdaan mustaqbalka dhow iyo kan fogba. Puntland hadal haynta nidaamkani kuma yarayn, kasoo biloow ilaa iyo markii la asaasay 1998. Hase yeeshee wuxuu noqday arin aan lagu dagdagi karin, oo laga baqay. Arin u baahan howl baaxad wayn leh iyo karti iyo shaqo dheeraad ah, una baahan hufnaan iyo tuhun la’aan.
Sidaa awgeed nin walbaahi dhinacbuu isaga riixay, oo wuxuu door biday mida dhibta yar ee Baarlamaan lagu soo xulo hab-dhaqan beeleed ku salaysan 66 xildhibaan. Taasi waa mida keentay in 12 sano ka dib markii u horaysay laisku dayo in nidaamka asxaabta bal dhiniciisa la dhugto. Waxaan orankarnaa go’aankaasi wuxuu ahaa mid geesinimo leh iyo tilaabo horay loo qaaday, taasoo bilow fiican u noqotay markii ugu horaysay inay shacabka reer Puntland ay dhagahoodu maqlaan nidaamka Xisbiyada badan.
Ayadoo la ansixiyay Dastuur ay Puntland yeelato abid, oo ku salaysan nidaamka asxaabta iyo goloyaasha degaanka. Shaki kuma jirin in Puntland ay gashay marxalad cusub oo ka duwan kuwii hore, waxaana isha lagu hayay bal sida dadku uga jawaabaan nidaamkan, iyo aragtiyooyinka ay ka qabaan dhaqangalkiisa, ama saamaynta uu bulsho ahaan ku yeelan karo. Guud ahaan Dadwaynuhu waa soo dhaweeyeen arinkaan, waxayna muujiyeen sida ay ugu heelanyihiin in laga dhabeeyo mid ka mida Himilooyinkii reer Puntland mudada badan ku taamayeen.
Waxaa markiiba soo ifbaxay caqabado loo qaateena oo xusid mudan:
Waxaa nidaamkaan kasoo horjeestay qaybo ka mida bulshadda oo isugu jira: shaqsiyaad siyaasiyiin hore u badan, kuwaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii Puntland soo maray, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo Nabadoono. Ayagoo markaa u arkayay hadii arinkani hirgalo in Dowlada talada haysaahi ay yeelanayso gacanta sare, sidaa awgeedna aysan dani ugu jirin ayaga inay qayb ka noqdaan barnaamijkan. Isla kooxdani waxay muujiyeen arin loo qaateena oo ah waqtiga lagu beegay howshan baaxada leh, ayagoo adorasay inaan laga gaarsiin karin inta ka hartay waqtiga ka harsan Xukuumada Madaxwayne Faroole. Waxaa jiray sanad muran badan dhaliyay oo Xukuumada loogu daray, si ay u dhamaystirto barnaamijkan qabyada ah ee nidaamka asxaabta badan. Dowlada oo qaaday tilaabooyin shaki abuuri kara, oo laga baaqsan karay.
Markii laga yimaado dooda waqtiga yaraantiisa, ujeedo kastaba halaga lahaadee. waxaa si cad u muuqatay in dowladu hawsha ay kaligeed isku koobtay, oo aysan ka dhigin arin dadkoo dhami wada leeyihiin, ayna xaq u leeyihiin talo galyo iyo in la dhagaysto cabashooyinkooda sax iyo khaladba. Ka mid noqoshihii inta badan Golaha Baarlamaanku ka mid noqdeen Xisbiga Horseed. Dhamaan Goloyaasha Dowlada oo ayaguna noqday xisbiga madaxwaynaha.
Arimahaas iyo kuwo kaleba waxay abuureen shaki iyo tuhun ama Kalsooni daro ku timid Gudigii Doorashooyinka ee ku meelgaarka ahaa, Gudigaasoo ay soo xuleen ama magacaabeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ayagu hada isku noqday hal Urur Siyaasadeed. Arinkan waxaa si xooga ugu qaybsamay dadkii markii horaba barnaamijkaan taageersanaa. Wuxuuna abuuray Khilaaf Ururada qaar ay ka hareen Geedi socodkii Nidaamka Asxaabta (Democrazationka).
Si kastaba ha ahaatee, hadii si dhab ah loo qiimeeyo muhimada iyo khiyamka howshani leedahay ama xambaarsantahay, runtii dhaliilahaas iyo kuwa kalaba waxay ahaayeen kuwo la liqi karey, ayadoo loo hiilinayo mustaqbalka dadka iyo dalka. Maxaa yeelay howshani oo bilaabataa waxay horseed u noqonkartaa Dowlad iyo madax ku timaada rabitaanka dadka. khaladaadka muuqda ee hada jirana waa kuwo dib laga sixi karey. (Rome wasn’t built in one day) Maahmaah Caalamiya.
Hakad ku yimid Doorashooyinkii la filayay:
Dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Gaalkacyo iyo Qardho waxay ahaayeen kuwa aan meelna kasoo galin nidaam dowladeed iyo aragtiyo lagu kala duwanyahay, kuwo kasoo fulay maskax aan caafimaad qabin oo si khaldan wax u akhrisay. Waxay noqotay mid aan marnaba la filayn(Oday ka sheekee) in qori caaradii iyo maleeshiyo beeleed dib loo abaabulo, waxna lagu doono. Arinkani wuxuu hakad galiyay dhamaan dadaaladii la rog rogayay, lagana fakarayay qaabka iyo habka ugu haboon ee looga shaqaysiin karo. Waxaa xusid mudan Go’aankii taariikhiga ahaa ee Madaxwayne C/raxman Faroole ku joojiyay Doorashooyinkii Golaha Dagaanka ee dhici lahaa Luuliyo 15, 2013.
Talo soo jeedin:
1) Si loo furdaamiyo loona sii wado nidaamka Asxaabta, in Dowlada hada jirta sanad loogu daro, lana dhiso Gudi doorasho ku meelgaara oo ka madax banaan Dowladda, Gudigaasoo ka imaanaya bulshada rayidka ah, ahna shaqsiyaad bulshadda dhexdeeda sumcad ku leh laguna aamini karo howsha culus ee loo igmaday.
2) In dib loo furo Furashadii Asxaabta waqti ku haboona la siiyo shacabka inay xisbiyo ku furtaan, lana sameeyo diiwaangalin rasmiya. Hadii labadaan qodob oo hore la waayo?
3) In Baarlamaanka ku imaanaya 66 dii hore, mudadiisa laga dhigo 2-3 sano (Temporary). Dowlada iman doontana xiligeeda lagu koobo 4 sano, waajibaadkeeda koowaad laga dhigo dhaqan galinta Nidaamka Asxaabta. Doorashada Goloyaasha Degaanka la qabto labada sano ee ugu horaysa. Sanadka sadaxaadna la qabto doorashooyinka Baarlamaanka Cusub ee ay dadku soo doorteen.
Wabilaahi Towfiiq.
Qore: Yaasiin M Yaabarag
Yabarag2@yahoo.com
==============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM