Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19654

Puntland ma hal beel baa Mise waa bulsho?. W/Q Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka

$
0
0

Puntland ma hal beel baa Mise waa bulsho?
Cabdirashiid Dhagajilic caaqilka
Caaqilkacmc@hotmail.com
Luulyo 30 2013

Cabdirashiid Dhagajilic caaqilka

Cabdirashiid Dhagajilic caaqilka

Ugu horrayn waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan shacabwaynaha u dhashay puntland ee ku dhaqan dunida dacalladeeda, waxaanan leeyahay sannadguuro wanaagsan.

Waxaan ilaahay uga rajaynayaa in aad nabad ku waaraan, dadka reer PL iyo dhammaan shacabwaynaha Soomaliyeed.

Waxaa laga joogaa muddo 15 sano ah xilligii la asaasay maamul goboleedka Puntland State Of somalia oo ay sannadguuradiisii 15aad ku aaddan tahay 1da Ogost 2013.

Waxaan la hilmaami karin halyeeyadii gartay in ay aasaasaan maamul lagu badhaadhay oo lagu barwaaqoobay xilliga intaas laga joogo ilaa hadda oo ay anfacsadeen kuna degeen dadka reer puntland iyo somaaliwayn, oo dhani.

Halyeeygii soomaaliyeed , ahaana Madaxwaynihii hore ee dalwadda federalka ah ee soomaaliya AUN: Col: C/laahi Yuusuf axmed ,oo xilligaas ka masuul ahaa Ururkii SSDF oo metelayay beelaha majeerteen ,oo ay garabkiisa taagnaayeen.

DR:Cali Ismaaciil Cabdi Giir & iyo Maxamed Cabdi yuusuf oo iyakuna Metelyey Ururkii SNDU , ee ay ku midaysnaayeen beelaha Leelkase iyo Awrtable, oo ay weheliyeen masuuliyiintii ururkii USB oo iyakuna ahaa beelaha dhulbahante.

Waxaan muran ku jirin in ay horseed u ahaayeen raggaasu shacabka reer puntland iyo ummadda soomaaliyeedba , dadaalkoodiina maanta lagusoo gaadhay meesha aan marayno , waxaa kale oo mudan in la qeexo in saddexdaan urur ay heshiis kala qorteen ku salaysan hab qaybsiga maamulka Puntland , in qabaa’ilkaasi ay si sinnaan ah u wadaagaan oo caddaalad loo wada maalo hashaas.

Waxaase Is waydiin mudan Su’aasha ah , beeluhu ma u sinnaayeen anfaaciga maamulka Puntland Muddada intaas le’eg ,?! Mise waxaa jiray sad bursi, xaqiraad , iyo duudsi joogto ah , waxaa is waydiin mudan ,Dastuurka puntland ma waxa uu qorayay in hal beel ah ay madaxwaynaha kal dhaaf ka dhiganayso , beelaha kalana aysan kursiga u hawoon karin, ama isu taagi karin!.

MAQAALInakstoo aan la diidi karin , in shacabku ku kala deegaan badan yahay gobollada Puntlnad haddana waxaa mudan in aan la illaawin in aan Doorashada madaxnimo aan cidna weli usoo istaagin in shacab iyo degaan codeeyo One man One Vote.

Haddana aad arkayso in siyaasiyiinta u dhashay Gobolka aad mooddo in ay aaminsanyihiin in puntland hal beel leedahay ?!.

Mise anaa qaldanoo Dastuurka puntland ayaa waxaa uu dhigayaa In beesha reer Qurac waxaan ahayn aysan isu taagi karin jagada u sarraysa,? taas jawaabteeda waxaan ka dhawrayaa shacabka,Reer Puntland u dhashay!!

Inkastoo ay jiraan dhaliilo aad u fara badan oo dareenkooda leh, tan iyo xilligii la aasaasay maamulkan Puntland , haddana waxaa muhiim ah , nabadda iskaashiga ,maamulka iyo kal danbaynta, oo inta badan beelaha aan xaqoodii helini ay ku samrayeen , danta gaarna uga tanaazulayeen danta guud iyo wada noolaashaha, waxaase wax lalayaabo ah , in aan is beddel ka imaanayn qaladaadkiina in lasaxo aan loo soo jeedin , welina wadadii qalloocnayd ee sadbursigu muuqdo.

(WAA YAABE PUNTLAND MIYAA REER QURAC AH ?!?
MISE REER QURAC BAA REER PUNTLAND AH )

Anigu waxaan dhihi lahaa reer qurac haddii dorraad aan aragnay, shalayna aan ogayn, maantana aan u jeedno , miyaan damiirku siinayn in ay dhahaan war bal dadku keligiin maahee dhaxalna umaydan heline , Maanta qarannimada hala ilaaliyo , is qabqabsiga halaga guuro , reer qansax iyo reer qaroon kaalinka haloo banneeyo.

W/Q:Cabdirashiid Dhagajilic caaqilka

E-mail: Caaqilkacmc@hotmail.com

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19654

Trending Articles