Cadaalad daro: Galmudug iyo Jubaland
Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.com
Luulyo 30 2013
Dadku qaar baa marka dowladaan la yiraahdo waa mid dhinac u janjeerta dadba siyaaba kala duwan u fasirta. Qaar baa naceyb iyo qabiileysi u arka, qaar baa qarandiidnimo u arka, qaarna xukun doon. Ayada oo aan caadifad iga aheyn, dowladana taageersan baan waxaan aad ula yaabaa marka aad warbaahinta, idaacada, iyo telefishinka qaranka daalacatid ku arkeysaa cadaalad daro aan gambasho laheyn.
Waxaa maalin walba yimaada Muqdisho madaxweynayaal maamul goboleedyo sheegta, ayaga oo Aden Cadde Airport looga hortago, la maamuuso, si hufana caasimada loogu soo dhaweyo. Dadkaas waxaa loogu yeeraa magacyada ey markaas sheegtaan. Dhulka ey ka taliyaana waxaa uu leeyahay wariyayaal khaas ah oo ka soo tabiya sawiro, warar, iyo arimo kale. Hadii ey doorasho tahay, rabshado ka dhaca, iyo hadii wax qabad ka socda intaba waa la kalkaaliyo warkoodana waa la soo tabiyaa.
Anigu lama yaabani in ey dowlada wariyayaal u dirto deegaanadaan, wixii cabasho iyo baahina inta karaankooda ka caawiyaan laakiinse waxaa wax laga naxo ah dad isku si ku yimid xukun in ey dowlada si kala duwan ula dhaqanto ayada oo ilaa hadeer ujeedada dhabta ah ey uga danleedahay aan cadeyn.
Hadii aan ka soo qaadano maamul goboleedka Galmudug hadii is dhab ah loo fiiriyo waxaad u maleysaa in uu ka sii liito Maamul goboleedka haatan cusub ee Jubaland hadana xaga dowlada isku miisan kama saarna. Cabdi Qeybdiid meel uu doorasha xalaal ah oo saafi ah ku galay ma jirto, natiijo la isku wada raacayna lagama hayo. Bal waxaa hubaal ah in doorashada iyo xulista Cabdi Qeybdiid ilaa hadeer uu muran xoogan ka jiro, oo ilaa sedex madaxweyne ey Galmudug leedahay. Marka hadii ey dowlada ku diidantahay Jubaland madaxweynayaal badan oo hadeer meesha isaga cararay, maxaa Galmudug isla shardigaas loogu xiri waayay?
Madaxweynaha Galmudug Xamar waa u xaafad, maalinta uu rabo buu tagaa kana yimaadaa asaga oo wixii hub ah, mushaar, iyo qalab ah ka soo daadgureysta. Muxuu ku muteystay Cabdi Qeybdiid in uu saas yeelo marka dhigiisa Jubaland aan loo ogoleyn. Waxaa kala oo taas sii dheer wixii ka dhaca Galmudug Dowlada iyo warsidaha warka waa ey soo tabiyaan, xataa safarkiisa Xamar.
Waxaa la yaab leh in xitaa wararka waaweyn oo ka dhaca meelaha kale ey dowladu eysan soo tabin ayada oo baaxad weyn leh ama isbadal muuqda ah. Shalay waxa ka dhacay magaalada Kismaayo arin aad loogu farxo oo warbaahinta badankeeda ay qortay taas oo aheyd in Kismaayo loo sameeyo ciidan khaas ah oo amniga suga. Bal hadii aad gashid idaacada dowlada hal mar xataa lama xusin, waxaana maantay boorarka dowlada ugu dhagan safarkii Cabdi Qeybdiid uu Xamar ku imaanayo. Waxaas ma qaran baa ku dhisman karaa? Cadaalad daro iyo xuma soo waxa halkaas Soomali dhigay ma aha?
Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.com
==============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM