Boosaaso[RBC Radio] Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo kamid ah Nabadoonada Puntland ayaa ugu baaqay Issimada iyo Cuqaasha iney Ilaahay ka baqaan oo Ummada Puntland usoo xulaan Xildhibaan leh aqoon iyo karti isla markaana Waxqabad dhab ah la yimaada.
…..””” Nabadoonada iyo Issimada Ilaahay ka baqa,Ilaahay ka baqa,waxa aad maanta dalka iyo dadka u xuleysaan qiyaamaha waa la idin weydiinayaa ha noqdeen dad damiir leh oo gaajada kala qiima roonyahay markuu gaajoodo aan caado qaato noqoneyn ,qof gaajada ogol oo sharafka gaajada ku bedelan kara,qof aqoon leh.qof dadka iyo dalka u fekeraya,waxaad dadka horkeeni doontaan halaga fekero….””ayuu yiri.
Nabadoonka oo maanta Saxaafada gudaha la hadlaayey ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ay ku eedeyso iney khalkhal geliyaan amaanka Puntland balse wuxuu sheegay ineysan taasi jirin haba-yaraatee isla markaana aysan jirin cid adeegsatay.
….”””Waxaan rabaa inaan halkan ka cadeeyoo in Xukuumadu muddo badan ku noqnoqtaa dadka waxan diidanaa ama hormuudka ka ahaa dad lasoo adeegsaday bey ahaayeen maanan ahayn dad lasoo adeegsaday cidina nama adeegsan,….”””ayuu yiri Nabadoonku.
Wuxuu tibaaxay in aysan habooneyn in Xukuumadu si khaldan u turjumato dadka ra’yiga ay aaminsanyihiin ,wuxuuna intaas ku daray in ay ka dhiidhiyeen duruufta xaaladeed ,tan diinta iyo dadka ee dalka ka jirta balse aysan Dawladda dhibaato ku ahayn.
…””Duruufta xaalada dalka,dadka iyo diintu ku jirtaa na kiciyey hadaan diidanahay dawladda ama aanu rabno Puntland burburkeeda iyo qalalaasaheeda maalinta shilku dhacay iyo maalimihii ka danbeeyey ama ka horeeyey dawladda iyo sistamkeedu waa shaqeynayeen qof qori sita iyo dad is cayrsanayana majiraan,Marka in dadka si khaldan ra’yigooda loo turjumaa iyaduna dhibteedey leedahay …..””ayuu yiri.
Fariinta Baarlamaanka!
Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo soo qaatay arrinta Baarlamaanka cusub ayaa u diray fariin culus oo u ku sheegay in ay Ogaaadaan in Shacabka Puntland ay Indhaha kala hayaan Isla markaana xiligaan aan la khiyaameyn Karin.
…””Waxaan kaloo rabaa inaan xuso Baarlamaanka Puntland in shacabka reer Puntland marakan indhuhuu kala hayaa qofka dadka xilka doonaya oo xil doonka ka ah,waxan rabaa inaa iraahdo fariintaas shacabka reer Puntland oo dhan aan u diro…..”ayuu yiri.
Nabadoonka ayaa ugu baaqay Ummada reer Puntland dal iyo dibadba iney loo baahanyahay in Ummadu soo doorato shakhsi daneynaya oo Barnaamijkiisa Shacabka fahamsiiya isla markaana xal ka gaari kara dhibaatada Ummada reer Puntland haysta.
Wuxuu intaas ku daray…….”””” Nin waxaynu rabnaa xuduudaha wadankeena yaqaana,,dadku suu yahay iyo deegaanadiisa iyo mushkiladihiisa yaqaana,mushkilada dhexdeedna ah ka fekeri kara oo habeenkii inta aynu inagu hurudno xal inoo raadiya laakiin nin inta boorsa iska soo qaata oo ciyaalkiisii dibada geystay oo bangiyo iyo akoono dibadeed leh oo haduu wax nagala fakado meel aan waxba u raacno aqoon wakhtigiisii waaa dhammaaday……””ayuu yiri.
Baarlamaanka Cusub
Baarlamaanka imaan doona ayuu Nabadoonku kula dardaarmay in Xildhibaankii laaluush qaata oo maslaxada dalka,dadka iyo diinta ku doorsada laaluush in Ilaahay ay ka baryayaan in aduuka ku Ciqaabo,aakhirana Cadaabta geeyo.
_________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso