Boosaaso[RBC Radio] Dr Yaasiin Faarax Cartan ayaa sheegay in xilkaan uu isu soo taagay ka dib markii uu arkay dhibaatada dhaqaale ,Caafimaad,biyaha iyo horumar la’aanta ka jirta Puntland uu goostay in Jagada Madaxtinimada Puntland uu u tartamo isla markaan uu rajeynayo in uu ku guuleysto.
….””Anigoo maanta arkaaya dhibaatada dhaqaale ee Puntland ka haysata xaga nolosha,Caafimaadka,biyaha,horumarka,waxaan doonayaa inaan Musharax noqdo oo Puntlandi Madaxweyne ka noqdo anoo Ilaahay ka baryaya hawshaas inuu igu gargaaro kana codsanaya bulshaweynta Puntland gudaha iyo dibadaba iney arrintaas garab igu siiyaan….””ayuu yiri.
Musharuxu wuxuu sheegay in Musharaxnimadiisa uusan dan ka lahayn balse uu doonayo in bulshada reer Puntland Isbadel muuqda u horseedo,taasina ay tahay mid ka go’an.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland muddo 15-kii sano ee ay jirtay haba yaraatee wax horumar ah oo la taaban karo aan la gaarsiin balse isagu uu doonayo in arrimahaas uu wax badan uu ka qabto.
Daawo Shirkiisa Jaraa’id oo Raxanreeb Idin kaga soo diyaarisay Isaga oo Muuqaal ah!!
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso