Boosaaso [RBC Radio] Siyaasi Dr Yaasiin Faarax Cartan oo kamid ah Aqoonyahanada Puntland horeyna xilal kala duwana kasoo qabtay Xukuumadihii soo maray Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Puntland.
Musharax Dr Yaasiin Faarax Cartan oo maanta Shir Jara’id ku qabtay Hotel Karaama ee magaaladda Boosaaso ayaa sheegay inuu u taaganyahay xilika Madaxweyanaha soo socda ee Puntland marka Xukuumadda wakhtigan jirta dhacdo.
…….””” Anigoo ah Dr Yaasiin Faarax Cartan oo ah nin muddo kasoo shaqeeyey Puntland iyo SSDF ,waxaan maanta oo bishu ay tahay July 29.2013 ku dhawaaqayaa in aan ahay Musharax madaxweyne,, anigoo ay ugu kalifeen ugu horeyn Iyadoo bulshadu I weydiisatay Waxaqabkeygii hore iyo khibradeydii ay dadku la socdaaniin…..””ayuu yiri.
Dhageyso Musharax Puntland Dr Yaasiin Faarax Cartan
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Dr Yaasiin Faarax Cartan ayaa sheegay in xilkaan uu isu soo taagay ka dib markii uu arkay dhibaatada dhaqaale ,Caafimaad,biyaha iyo horumar la’aanta ka jirta Puntland uu goostay in Jagada Madaxtinimada Puntland uu u tartamo isla markaan uu rajeynayo in uu ku guuleysto.
….””Anigoo maanta arkaaya dhibaatada dhaqaale ee Puntland ka haysata xaga nolosha, Caafimaadka, biyaha, horumarka, waxaan doonayaa inaan Musharax noqdo oo Puntlandi Madaxweyne ka noqdo anoo Ilaahay ka baryaya hawshaas inuu igu gargaaro kana codsanaya bulshaweynta Puntland gudaha iyo dibadaba iney arrintaas garab igu siiyaan….””ayuu yiri.
Musharuxu wuxuu sheegay in Musharaxnimadiisa uusan dan ka lahayn balse uu doonayo in bulshada reer Puntland Isbadel muuqda u horseedo,taasina ay tahay mid ka go’an.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland muddo 15-kii sano ee ay jirtay haba yaraatee wax horumar ah oo la taaban karo aan la gaarsiin balse isagu uu doonayo in arrimahaas uu wax badan uu ka qabto.
…….”””” Wax yaabaha nagu kalifa maahan in anagu aan dan ka raadsaneyno ,waxa weeye in Ummada aan u daneyneyno oo Jahwareerka lagu riday 15-ka sano oo wax horumar ah oo la taaban karo aan helin iyo wax dhalinyarada gargaar siiya, sidaa daraadeed waxan isku hawlinayaa inaan waxyaabahas wax ka qabto….””ayuu yiri Dr Yaasiin.
Gabagabadii ayaa Musharax Dr Yaasiin ayaa ugu baaqay bulshada reer Puntland in ay soo Xushaan Xildhibaan daacad ah oo loo qaateen ah balse aysan meesha keenin mid la iska soo tuuray,waa sida uu sheegaye.
….””Waxaan ka rajenayaa dadka reer Puntland iney Xildhibaano fiican lasoo baxaan hadey Xildhibaan noqoto hadey Ergo noqoto dad ergo ah oo loo qaateen ah iney keenaan maahan qof la iska soo tuurayo oo isagu wax raadsanaya qof matali kara masiirka Ummada beeluhu soo doortaaniin….””ayuu yiri Musharaxu.
Musharax Dr Yaasiin Faarax Cartan ayaa Guddoomiye kuxigeen ka soo noqday Jabahadii SSDF mudoo afar sano ah,wuxuu sidoo kale kasoo noqday Xukuumadii AUN Cabdullaahu Yuusuf Wasiirka arrimaha bulshada Puntland,wuxuuna sidoo kale isu soo taagay xilka Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Shiikh.
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso