Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Xeerka Saxaafadda Puntland oo dib u eegis Lagu Sameeyey [Sawirro]

$
0
0

5Garoowe[RBC Radio] Magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland ayaa lagu soo bandhigay Xeerka Saxaafada Puntland,kaas oo dib u eegis lagu sameeyey maalmihii lasoo dhaafay.

Kulan ballaaran oo lagu soo bandhigayey Xeerka Saxaafadda Puntland ayaa goob joog,waxa ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Puntland Proff Axmed Shiikh Jaamac,Guddoomiyaha Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir ,Wasiirka Qorsheynta Eng Maxamuud Caydiid iyo Suxufiyiin.

Dallada PUNSAA iyo Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP oo si wadajir ah uga soo wada shaqeeyey Xeerkan Saxaafa ayaa soo bandhigay buug Draft ah oo qeexaya Xeerarka.

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir

Cabdifitaax Maxamed Sugulle oo ku hadlaayey afka Dallada PUNSAA ayaa sheegay in dalladu si weyn ay Isugu hawshay in Xeerarka Isugu keeni lahayd Warbaahinta iyo Dawladda Puntland balse taas lagu guuleystay.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir ayaa dhankiisa isna sheegay in loo baahanyahay in si fiican u wada shaqeeyaan Suxufiyiinta iyo Dawladda isla markaana laga maarmaan u tahay Puntland in la helo Xeer kala xadeeya Saxaafadda iyo Xukuumada.

Mudane Buraan Axmed Daahir ayaa tilmaamay in Xeerka cusub ee Saxaafadda Puntland uu in badan ka Wanaagsanyahay kan Soomaaliya ee muranka badan dhaliyey taasoo ay dheertahay inaan Puntland laga qeybgalin Xeerka Soomaaliya.

 

Qaar kamid ah Suxufiyiinta Puntland

Qaar kamid ah Suxufiyiinta Puntland

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dawladda Puntland hadda ah Wasiirka Qorsheynta Eng Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Xeerkan cusub ee Saxaafada Puntland uu yimid wakhtigii loo baahnaa isla markaana uu kala dabrayo Saxaafada iyo Xukuumada.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland Proff Axmed Shiikh Jaamac oo Gabagabadii soo xiray Kulanka ayaa guul ku tilmaamay in la helo Xeer kala hagaya Suxufiyiinta iyo Xukuumada ,wuxuuna codsi u jeediyey Eng Maxamuud Caydiid Dirir kaas oo ahaa in Xeerkan dhameystirkiisa gacan weyn uu ka siiyo maadaama uu isagu kasoo qeybqaatay markiisii hore.

Xeerkan cusub ee Saxaafadda Puntland ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo Xukuumadda ka dibna Gollaha Baarlamaanka Puntland si ay u ansixiyaan,waxaana muuqaneysa Isu soo dhawaansho Suxufiyiinta iyo Xukuumadda Puntland.

_______________

RBC Radio
Xafiiska Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Trending Articles