Boosaaso[RBC Radio] Siyaasiga dhalinyarada ah ee Maxamuud Yuusuf Cabdullaahi “Maxkoof” ayaa maanta sheegay In marnaba aan loo baahneyn in dib loo soo celiyo Xildhibaanada Baarlamaanka hadda jira.
Yuusuf Cabdullaahi “Maxkoof” oo maanta Raxanreeb siiyey Waraysi kooban ayaa in Baarlamaanka jira wakhtigan uu yahay mid gacan siiya Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole isla markaana caadeysatay Musuqmaasuq.
…””” Musuqmaasuq,eex ku tagrifal hanta dadweyne,maamul xumo iyo la Xisaabtan la’aan looga bartay Xukuumada wakhtigeedu dhammaaday si looga hortago in mid lamid u dhasho….”””ayuu yiri Maxkoof.
Wuxuu sheegay in looga baahanyahay Issimada Puntland in Xildhibaanada ay soo xulayaan gudhig uga dhigaan aqoonta ay u leeyihiin Shaqada ay qabanayaan isla markaana ay noqon karaan kuwa Ummada dhibaatada ka saara…..
……””” Issimada soo jireenka ah ee reer Puntland ,waxaan ugu baaqayaa maanta in anagoo kalsooni idin ku qabna ineysan nagu soo laaban xilkas laawayaashii kuwa lamid ah……”””ayuu yiri.
Siyaasi Maxamuud ayaa xusay in hubaal ay tahay marba haddii la helo Baarlamaan daacad u ah Shacabkiisa la rasmi ah loo heli doono Hoggaamiye dadkiisa iyo dalkiisa daacad u ah.
……””” Haantu gunta ayey ka unkantaa,waxaa hubaal ah haddii la helo Baarlamaan wanaagsan in la heli doono Hoggaamiye dadka iyo dalka daacad u ah….””””ayuu yiri Siyaasi Maxkoof.
Fursada Dhalinyarada ee Baarlamaanka.
Siyaasi Maxkoof oo qudhiisuba ah nin dhalinyaro ayaa talo kusoo Jeediyey in dhalinyarada loo baahanyahay in laga qeybgeliyo Baarlamaanka cusub ee soo socda maadaama iyagu yihiin kuwa ka fekeraya aayaha Ummada reer Puntland
…………..”’”” Ninka dhalinyarada ah,waxaan aaminsanahay in uu yahay ninka wakhtiga fiican leh aan laga lumin kana fakaraya aayihiisa danbeeto…..”””ayuu yiri mar kale.
Gabagabadii ayuu Siyaasi Maxkoof kula dardaarmay Issimada iney soo xulaan Baarlamaan tayo leh oo cusub si Ummada uga samata-bixiyaan dhibaatada taagan.
_______________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso