Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Dibadbaxyo rabshado wata oo maanta ka socda magaalada Beledweyne

$
0
0

beldweyneeBeledweyne(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxaysa shacabka iyo maamulka gobolka Hiiraan kadib markii  kulan ay shalay Beledweyne  ku yeesheen maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacsatada gobolkaas ay ku go’aamiyeen inaan gabi ahaanba la isticmaali karin lacago been abuur ah  oo dhawaan  lasoo galiyey magaalada Beledweyne.

Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maanta dhigaya bannaanbax rabshado wata kaasoo ay kaga soo horjeedaan go’aanka ay gaareen maamulka iyo ganacsatada gobolka Hiiraan ee lagu mamnuucay isticmaalka lacagta Faalsada ah.

Shacabka Bannaanbaxa dhigaya ayaa dhagxaan ku tuuraya gaadiidka iyo goobaha ganacsiga magaalada Beledweyne,waxayna u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah kuwaas oo ku doodaya in xoolohoodii  ay ganacsatadu uga iibsadeen lacagahan faalsadaha kadibne ay ku dhawaaqeen iney mamnuuc tahay isticmaalkeedu,waxayna tilmaameen in go’aankaasi uu yahay mid xaq darro ah,dibadbaxyada ayaa hakad galiyey isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Boqolaal kamid ah dibadbaxayaasha ayaa hor tuban afaafka hore ee laga galo xarunta maamulka gobolka Hiiraan,waxaana dadaal ay ku doonayaan iney xiisada ku qaboojiyaan Beledweyne ka wada maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya cidamada amniga iyo ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Lacagahan faalsada ah ayaa maalmahan danbe oo idil ka cabanayey shacabka ku dhaqan gobolada dhexe ee Mudug,Galgaduud iyo Hiiraan,waxaana la sheegayaa in warshadaha lacagahani sameeya ay ku yaalaan magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles