Balanballe(RBC Radio) Wararka naga soo gaaray deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kusoo waramaya in halkaas ay ku nafwaayeen Carruur da’yar kuwaas oo ku sumoobay Sunta Baaruudda Rasaas oo la sheegay iney cuneen.
Carruurta geeriyootay oo tiradooda la sheegay iney tahay 2 Carruur ah ayaa sunta ay ku dhinteen ku cunay Miyiga magaalada balanballe,mid kale oo la ildarn Sunta ka dhalatay Baaruudda ay Carruurtani Cuneen ayaa lasoo gaarsiiyey Cisbitaalka deegaanka Balanballe oo xaaladiisa xiligan lagula tacaalayo.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud Maxamuud Maxamed Cabdi oo warbaahinta waraysi siiyey ayaa sheegay in Carruurtani ay ku sumoobeen baaruudda Rasaasta oo ay cuneen,wuxuuna tilmaamay in dhacdadani ay ka dhacday meel baadiye ah oo duleedka ah Balanballe
Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa intaa ku daray in Carruurta dhimatay iyo midka dhaawaca ah intuba ay kasoo wada jeedaan hal qoys oo ku dhaqan Miyiga deegaankaas.
Tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladdii dhexe ee dalka ayaa waxaa kusoo badanayey gobolada dalka dhibaatada uu geysanayo haraadiga hubka ooo meel walba yaal,deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud oo ku yaalla xuduudka kala qaybiya Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa la aaminsan yahay iney ku aasan yihiin hub iyo Moonooyin fara badan kuwaas oo dhulkaas la galiyey xiligii uu socday dagaalkii 77 ee dhexmaray dowladdii Soomaaliya iyo Xabashida.
RBC Radio