Jowhar(RBC Radio) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta hawlgallo culus ka wada xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ,Ciidamada ayaa hawlgalkooda bilaabay saaka aroortii hore.
Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa saaka waaberigii kusoo toosay ciidamada AMISOM oo taagan dhammaan wadooyinka mara gudaha xaafadaha magaalada Jowhar,ciidamada ayaa guri guri u galaya xaafadaha magaaladaasi.
Ciidanka ayaa hawlgalkooda ka bilaabay xaafadda Hanti-wadaag ee magaaladaasi,taliyaha nabad sugidda gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in ujeedka ay hawlgalka ay uga bilaabeen ay tahay tuhun weyn oo ay ka qabaan xaafaddaas sida uu sheegay.
Wuxuuna tilmaamay in hawlgalladan lagu doonayo in lagu qabqabto Hub iyo dad uu sheegay iney qatar ku yihiin amniga magaalada Jowhar,wuxuuna tilmaamay iney warbaahinta usoo bandhigi doonaan waxyaabaha ay gacanta kusoo dhigaan marka uu soo gabagaboobo hawlgalkoodu.
Hawlgalka ayaa ilaa xiligan ka soconaya magaalada xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe,hawlgalkan ayaa ah midkii ugu cuslaa ee ciidanka AMISOM ay ka sameeyaan magaaladaasi tan iyo markii ay alshabaab kala wareegeen.
RBC Radio