Clik here to view.

BELEDWEYNE- Maamulaha Isbitaalka Guud ee Beledweyne. Axmed M. Khaliif oo u waramay Raxanreeb.
BELEDWEYNE (RBC) Iyadoo weli isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ay heysato dawo la’aan kadib markii ay hay’adii gacanta ku heysay shaqada joojisay sanadkii hore ayaa waxaa haatan laga deyrinayaa xaalada isbitaalka oo ay hadda jiifaan bukaano uu soo ritay cudurka Shuban Biyood lagna cabsi qabo inuu isu bedelo Daacuun.
Cudurka Shubanka ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dilaacay magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Jowhar, Beledweyne iyo Baraawe oo dad Soomaaliyeed ay u jiifaan qaarna ay u dhinteen toddobaadkii u dambeeyay.
Maamulaha isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Axmed MaxamedKhaliif oo Raxanreeb wareysi siiyey ayaa sheegay in isbitaalka, marka laga reebo wax xoogaa kaalmooyin oo dadka gudaha iyo ganacsatadu siiyeen aaney jirin cid kale oo taageerta.
“Isbitaalka waxaa ka baxday hay’adii MSF bishii Disembar 2012, waxayna nooga tagtay daawo illaa saddex bilood na heyn kartay.” ayuu yiri maamulaha isbitaalka guud ee Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif oo wareysi siiyey Shabakada Raxanreeb.
Clik here to view.

BELEDWEYNE. Bukaanada isbitaalka Beledweyne ku jira. Sawirka Raxanreeb.
Ma jirto cid mushahar siisa shaqaalaha isbitaalka Beledweyne, waxaana gabaabsi ku ah xilliga wareysigan aanu ka qaadaynay maamulaha daawooyin isugu jira kuwii horey ugu yaallay qaar kaalmo ahaan loogu keenay isbitaalka.
“Hay’adda MSF waxay noo sheegtay in markii hore si deg deg ah [emergency] ku yimaadeen hadana ay dhammaatay xaaladaas sidaas darteed waxay noo sheegeen inaysan sii joogi karin.” ayuu yiri maamulaha isbitaalka Beledweyne.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Xaalada bukaanada
Isbitaalka Beledweyne waxaa horey u jiifay bukaan gaaraya illaa 85 ruux oo ay ka mid yihiin dumar iyo carruur nafaq darrada iyo dhiigyada uu soo ridatay. Dumarka dhalaya ayaa ka mid ah bukaanada uu isbitaalku wax u qabto.
Laakiin hadda waxaa isbitaalka iyo shaqaalaha tirada yar ee isbitaalka ay la tacaalayaan bukaano gaaraya illaa 20 ruux oo uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka kaasoo toddobaadkan ka dilaacay deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan oo ay ku jirto magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka. Dad gaaraya 5 ruux oo ay ku jirraan carruur ayaa toddobaadkii tagay cudurka Shubanka ugu geeriyootay isla Beledweyne taasoo xaalada ka dhigeysa mis welwel leh illaa hadda.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hal Dhakhtar oo kaliya ayaa jooga isbitaalka Beledweyne
Beledweyne, si la mid ah magaalooyinka kale ee ku yaalla koonfurta dalka waxay soo martay dagaalo fara badan oo soo laalaabtay, waxayna taasi keentay in dhakhaatiirtii aqoonta lahayd iyo shaqaalaha caafimad ee tababaran ay isaga cararaan magaalada, waxaana maamuluhu Raxanreeb u sheegay in waxyaabaha ay dareemayaan ay ka mid tahay dhakhaatiir la’aan.
“Hal dhakhtar oo kaliya ayaa hadda jooga isbitaalka, anigoo ka faa’ideysanaya fursadan waxaan ku baaqi lahaa in la helo dhakhaatiir tayo leh oo baahida caafimaad ee isbitalka daboola.” ayuu codsaday maamulaha isbitaalka Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
AMA HALKAN KA DHAGEYSIGA WAREYSIGA
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
RBC Radio- Raxanreeb.com
Beledweyne, Soomaaliya