Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Faarax Qare:Qaadista Xayiraadii Hubka ee Saarneed Soomaaliya waxa ay albaabka u Fureysaa dib u Dhiska Ciidanka Badda Soomaaliya

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho(RBC Radio) Taliyaha ciidamada badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in qaadistii xayiraadda hubka ee saarneed Soomaaliya ay tahay albaab u furmay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada badda Soomaaliya,wuxuuna sheegay in ciidamadu ay awood u yeelan doonaan gudashada hawsha hortaala ee ay ka sugayaan.

Faarax Qare ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo ay ka mid yihiin Xaalufin ay ka wadaan maraakiib shisheeye oo si arxan darro ah u guranaya khayraadka badda ee umada Soomaaliyeed,Burcadbadeednimo,in haraadiga sunta hubka Nugleerka ah lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya,Ganacsi Sharci darro ah iyo dhibaatooyin kale oo aan yarayn.

Taliyaha ciidamada badda Soomaaliya Adm. Faarax Qare ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka badda Soomaaliyeed aysan waxba ka qaban karin dhibaatooyinka muuqda ee ka jira biyaha dalka Soomaaliya wuxuuna u aaneeyey in ciidamadu aysan  haysan hub iyo qalabkii kale ee ay ku gudan lahaayeen hawshooda.

Admiral Faarax Qare ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dib u dhiska ciidamada kala duwan ee xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Badda isla markaane ay heli doonaan dib u qalabeyn dhab ah,maadaama la qaaday qayb ahaan xayiraadii hubka ee saarneed Soomaaliya taasoo ragaadisay dhisida ciidamada badda ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles