Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Muran Xoogan oo ka Dhextaagan Dowlada Norway iyo Soomaalida ku dhaqan Dalkaas oo Qaarkood lagala Wareegay Carruurtooda

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho9RBC Radio) Soomaalida ku dhaqan wadanka Norway ayaa maalmhii lasoo dhaafay dhigayey dibad-baxyo ay kaga cabanayaan waalidiin Soomaaliyee oo booliska wadankaas ay ka qaateen carruurtooda  Baashe Max’ed Muuse oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee laga soo doorto magaalada Oslo ee wadanka Norway ayaa sheegay in gudiga caafimaadka iyo arrimaha bulshada wadankaas ay ka fariisteen cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee laga qaatay ubadkooda.

Baashe ayaa sheegay in markii ay shir dheer wada qaateen xubnaha gudiga arimaha bulshada iyo caafimaad oo u xilsaaran arimahaas ay isku raaceen go’aano ay ka mid yihiin in waalidiinta Soomaaliyeed kor loo qaado aqoontooda ku saabsan xanaaneynta ubadkooda, in carruurta Soomaaliyeed marka laga wato waalidiinta dhalay loo dhiibo waalidiin kale oo Soomaaliyeed iyo in carruurta dib loogu celiyo waalidiintooda marka la xaliyo arinkii keenay in carruurta lagala wareego.

Xildhibaan Baashe Max’ed ayaa sheegay iney baarlamaanka u gudbiyeen arintay oo walaac badan ku haysa waalidiinta Soomaaliyeed ee kunool wadanka Norway ,wuxuuna sheegay in Soomaalida dalkaas ay leeyihiin gudiyo u dhaqdhaqaaqa arimaha Soomaalida dalkaas.

Soomaalida uu kadib burburkii dalka hooyo u hayaamay guud ahaan wadamada aduunka iyagoo baxsanaya dagaaladii nasiib darrada ahaa ee dhexmaray umada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay kala kulmeen wadamadii ay gaareen dhibaatooyin fara badan,waxaana ay tahay midda ugu weyn ee hortaala waalidiinta Soomaaliyeed ee qurba joogta ah in hadii ay canaantaan carruutooda jawaab looga dhigo in laga kaxaysto ubadkooda iyagoo lagu eedeeyo ineysan qaadi karin masuuliyada carruurood.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles