Qardho[RBC Radio] Labadii bilood ee ugu danbeysay,waxaa laga dareemayey magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar biyo yari baahsan taasoo saameyn ku yeelataya shacabka iyo dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaaladda.
Biyo yarida haysatada shacabka muddo ku dhow laba bilood,waxay sababtay sida ay Raxanreeb u sheegeen dadka deegaanka iney magaaladda dib uga noqdaan Qoysas badan oo usoo xagaabaxay magaaladda kuwaas oo ka yimid magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Shabakadda Raxanreeb ayaa u kuurgashay Xaaladda biyo yarida ee dadka danyarta gaar ahaana kuwa Barakacayaasha xili lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo xitaa aysan haysan baahiyo badan oo dadka deegaanku helaan.
Guddoomiyaha Kaamka Shabelle Axmed Saafi ee magaaladda Qardho oo la hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ee haysata ugu weyn tahay dhanka biyaha oo muddo laba bilood ah aysan helin.
Wuxuu intaas ku daray in biyaha yar ee ay helaan lagu qaaliyeeyey taasina aysanba awoodin in qoysaska Barakacayaasha ee kaamka ku dhaqan.
…”” Waxaan codsaneynaa in si degdeg ah biyo la’aantaas ba’an ee haysata kaamka in nalaga soo gaaro baan dooneynaa,quutul daruuriga in nalaga soo gaaraan dooneynaa,waxan dooneynaa cid alaaale cidii na daneyneysa biyo la;aantaas nahaysta magaalada Qardho….””ayuu yiri Axmed Saafi.
Dawladda Puntland iyo hay’adaha deeqaha biya ee sugan Puntland ayuu ugu baaqay iney wax kala qabtaan biyo la’aanta ba’an ee haysata isla markaana la soo gaaraan gargaar degdeg ah si noloshoodu wax isaga badesho.
Mid kamid ah Hooyooyinka ku dhaqan kaamka Shabelle ayaa sheegtay in Jirigaanka biyaha ah qiima ahaan kaamka uu ka marayo shan kun oo shilin Soomaali ah,waxayana xustay in dhif dhif loo helo biyo yar oo qoysaska waxba u tareyn,waxayna codsatay in gacan la siiyo.
….””” Jirigaankii biyaha ahaa shan kun ayaa la siinayaa,ma dharaa ku dhaqataa ma cabeysaa,ma cuntaa ku karsaneysaa,ma aanan arkin 12-bilood ma aanan arkin raashin,waan u baahanahay gacan qabad weyn….””ayey tiri.
Madaxda qaabilsan biyaha magaaladda Qardho oon xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday iney faah-faahin ka bixiyaan biyo yarida magaaladda maadama iyagu gacanta ku hayaan biyaha,waxaana muuqaneysa in arrintaan ay saameyn weyn ku yeelatay dadka deegaanka.
Magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa bilaha xagaaga,waxaa yimaada boqolaal qoys oo intooda badan ka yimaada magaaladda Boosaaso,waxaana xusid mudan iney magaalo martigelisay kumanaan qoys oo iyaguna Barakacayaal ah kuwaas oo hadeysan helin biyo ku filan khatarteeda leedahay.
_______________
RBC Radio
Xafiiska
Qardho