Garoowe(RBC Radio) Baarlamaanka Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland oo maalmahanba magaaladda Garoowe uga socday Kalfadhigoodii 30-aad ayaa maanta meelmeriyey Miisaaniyada dawladda oo gaareysa 91-bilyan oo shilin Soomaali ah.
Kalfadhiga maanta oo u Guddoominayey,Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi,waxaana sidoo kale goob jog ahaa Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire oo Wasaaradiisu miisaaniyada soo gudbisay. Xildhibaanada Gollaha Baarlamaanka Puntland ayaa hab gacan tag ah ku ansixiyey in Miisaaniyada dawladda tahay 91-bilyan shilin Soomaali ah halka markii hore ay Wasaaradu kusoo gudbisay una soo diyaarisay 96-bilyan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ansixinta ka dib Saxaafada la hadlay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey Gollaha Wakiiladu shaqada ay maanta qabteen ee ansixinta ah.
Mudane Cabdirashiid ayaa sheegay in Xildhibaanadu maanta si rasmi ah u ansixiyeen Miisaaniyada dawladda isla markaana ay ku saleysnaato doolar kharash iyo dakhliba iyadoo la raacayo hadba sida uu Suuqu yahay.
..””Waxaa kaloo Golluhu ansixiyey sidaad la socotaanaba Soomaali shilin dalku wuu ka yaraaday,wuu ka dhamaaday,waa la waayey sidaa awgeed maanta Gollaha wakiiladu wuxuu ansixiyey oo isku raacay Miisaaniyada dawladda Puntland iney ku saleysnaato doolar kharash iyo dakhliba iyadoo la raacayo raytka Suuqu hadba u marayo….””ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanku ay isku raaceen isla markaana ay ansixiyeen Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta Puntland Proff Axmed Shiikh Jaamac oo dhawaan Madaxweynaha Puntland u magacaabay Wasaaradaas.
Magacaabida degmo cusub.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ka dhawaajiyey in sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanku ansixiyeen degmo cusub oo lagu magacaabo Dharkayn-Geenyo oo ka tirsan gobolka Sool taasoo kamid noqoneysa degmooyinka Puntland.
…””Waxaa kaloo maanta Golluhu ansixiyey oo isku raacay degmo cusub oo la yiraahdo Dharkayn-Geenyo oo ka tirsan gobolka Sool,waxaa kaloo Golluhu maanta qeybsaday soo akhrinayaa beritona doodiisa gelayaa Xeerka Nootaayooyinka haddii alle idmo marka waxanu Jecelnahay…””ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Maalinta beri ah ayey Gollaha Baarlamaanku dood ka yeelan doonaan Xeerka Nootaayooyinka kaas oo maanta loo qeybiyey nuqulo kamid ah si ay usoo akhristaan Xildhibaanadu.
__________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe