Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Wasaarada Adeega Bulshada oo Sheegtay Iney Diyaarisay Dawooyin ku Filan dadka uu soo Rito Cudurka Shuban-biyoodka Baaqne u dirtay Shacabka Soomaaliyeed

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho(RBC Radio) Wasaarada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay halista cudurka shuban biyoodka iyo fidistiisa agaasimaha guud ee wasaarada adeeega bulshada xukuumada Soomaaliya C/risaaq Axmed ayaa shacabka ugu baaqay iney ka digtoonaadaan halista cudurka shuban-biyoodka oo da dilaacay qeybo fara badan oo ka tirsan dalka soomaaliya.

Agaasimaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  iney ku dadaalaan nadaafada isla markaane ay ka fogaadaan nadaafad darrada oo ah waxa ugu weyn ee dhaliya cudurkaas wuxuuna ka codsaday iney ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara nadaafad darro ah isla markaane ay hagaajiyaan nadaafada biyaha iyo cuntada ay isticmaalaan.

Dr C/risaaq Axmed agaasimaha guud ee wasaarada ageedda bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa ugu yeeray shacabka Soomaaliyeed hadii ay isku arkaan cudurka shuban-biyoodka iney si deg deg ah ula xiriiraan goobaha caafimaadka ee ugu si xaaladiisa wax loola tacaalo,wuxuuna daboolka ka qaaday in wasaaradu ay hayso dawooyin ku filan dadka uu soo rito cudurka shuban-biyoodka.

Agaasimaha ayaa shaaca ka qaaday in mawaadin Soomaaliyeed uusan u dhiman doonin faleembo la’aan isagoona tibaaxay in dowlada oo kaa shanaysa hay’ada qaramada midoobe ay diyaariyeen dawooyinka lagula tacaalo cudurka shuban-biyoodka.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles