Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Dowlada Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday iney si Dhaqso ah u Qalabeynayso Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa shaaca ka qaaday in dowladu ay dib u dhis deg deg deg ah  ku samayn doonto ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay tahay mid aad u adag wuxuuna tilmaamay iney tallaabo deg deg ah qaadayaan taasoo ay ku qalabwynayaan ciidamada Asluubta si ay hawlahooda si habsami leh ugu gutaan,wuxuuna sheegay in ciidamada Asluubta oo qayb ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay iney ciidanka Asluubta ay heleen qalabka ay u baahan yihiin si ay hawshooda si hagaagsan ugu gutaan,isagoona ballan qaaday in waqtiga dhow iney helaan agabyada ay u baahan yihiin.

Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo qeyb ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah loo aas aasay sanadkii 1970 waxayna shaqadoodu tahay dhaqan velinta maxaabiiista,ilaalinta xabsiyada,tarbiyeynta carruurta agoonta ah iyo hawlo kale oo muhiim ah waxayna gabi ahaanba ku burbureen dagaaladii dalka soo maray.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles