Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose waxaa maalmihii ugu danbeeyey kasocdey howlgallo ay wadeen ciidamada maamulka Jubbaland ee gacanta ku haya Kismaayo,howlgalladaan ayaa lugu sheegey inay ahaayen kuwo lugu xaqiijinayo amniga magaaladda iyo baaritaano lugu wadey miinooyinka ku jira sida la caddeyey qar ka mid ah waddooyinka ku yaalla Kismaayo.
Howlgalkii maantey ay ciidamadu ka sameeyen waddooyin ku yaala Kismaayo ayey waxaa ay ku guulesten inay soo saaran miinooyin,miinooyinka ayaa laga soo sarey maantey kuwaaso ahaa nooca dhulka la geliyo jidad dhexmaro xaafadaha Farjano iyo Calanley, laanteeda Dalacaadda.
Macallin Maxamed Ibraahim oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta kula hadley goobo ay kasoo saaren miinooyin waxana uu sheegey inay muddadaanba ku howlanaayen sidii ay miinooyinkaan ay usoo sari lahayeen,waxana uu intaa ku darey inay u adeegsadeen soo saarita miinooyinka qalab miino baaris ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.
Sargaalkan ayaa waxaa uu sidoo kale caddeyey inay noqonayaan howlgalladaan kuwo an jogsan tan iyo inta ay guud ahanba waddooyinka ku yaala Kismaayo lagasaarayo miinaayin uu sheegey inay uga tageen Al-Shabaab iyagoona ugu talagaley sida uu bidhiimiyey inay ku dhibaateyan bulshada Soomaaliyed.
Howlgaladaan miinooyinka lugu saarayo waxaa feer feer socda siduu sheegey Macallin Maxamed Ibraahim qab qabashada ragg ku labisan dareeska ciidanka watana hub sharci daro ah kuwaaso dhibaateya shacab,waxana xilii uu ka warbixinayey uu sheegey inay soo qabten ragg badan oo hub sharci daro ah watey kuwaaso xiligaan ay gacanta hayaan.
Magaaladda Kismaayo oo saldhig uu ah maamulka Jubbaland ayaa muddadaan danbe amnigeedu u muqda mid soo hagaagayo taaso lugu micneyey inay yareeyen qaraxyadi iyo falalkii lidiga ku ahaa amniga howlgalladan ay ciidamadu wadaan.
RBC Radio