Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Talaalka Dabeysha oo Markale Puntland ka Bilowday (Sawirro+Warbixin).

$
0
0

Tallaaalka3

Garoowe (RBC RADIO)  Caruurta ka yar 5ta Sano ee ku nool Gobolada Puntland ayaa la doonayaa in laga talaalo Cudurka Dabeysha oo soo gaaray Qaybo ka mid ah Gobolada Puntland waxaana Magaalooyinka iyo Deegaanada Fog Fog lagu daadiyay Shaqaalaha Caafimaadka ee sida Dawada Talaalka iyagoo Guri Guri u Gali doona isla markaana Talaali doona Caruurta hadaysan Waalidiinta Qaar ka hor iman kadib markii Maanta uu Furmay ololahaasi madashii lagu qabanayay ee Wasaarada Caafimaadkana ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Dhaqaatiir Wax garad iyo Marti sharaf kale.

 Tallaaalka4

Kulankan ayaa sida looga bartay waxaa ka hadlay dadka u saaxiibka ah Caafimaadka iyo arimaha Talaalka waxayna cadeeyeen in Qatarta Cudurkan aysan wax ba u jirin Gobolada kale ee Puntland marba hadii laga helay Magaalada Laascaanood, waxayna ku tilmaameen arin Murugo leh hadii Waalidku ka madax adeego waajibaadka ka saran Caruurta, Dadkan oo isugu jira Dhaqaatiir Masuuliyiin iyo Waxgaradba waxay ka digeen Qatar xoogan oo kusoo wajahan Caruurta Soomaaliyeed qaasatan kuwa Reer Puntland loona baahan yahay in Arintaasi leyska kaashado ka hortageeda

 Tallaaalka14

Dr Cali C/laahi Warsame Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland wuxuu xusay in la qaaday talaabadii 5naad ee Cudurka Dabeysha looga hortagayo kaasi oo uu ku tilmaamay Go’aan geesinimo leh laguna ilaalinayo Caafimaadka Caruurta Puntland, Qorshaha wasaarada ayuu ku sheegay in uu yahay Dhamaan Caruurta oo la talaalo, Shaqaalaha Caafimaadka oo Waajibkooda Guta iyo Waalidiinta oo la falgala Kooxaha Caafimaadka si loo Muujiyo ka dhabeynta Talaalka Caruurta.

 Tallaaalka16

Ugu Dambeynna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/Rashiid Maxamed Xirsi ayaa furay Wareegii 5naad ee Talaalka Cudurka Dabeysha wuxuuna booriyay in Cudurkan dadka iyo Dalkaba laga ilaaliyo, Dhamaan Degmooyinka Puntland iyo Deegaanada Fog Fog ayuu ololahani si rasmi ah maanta uga bilowday sida lasheegayna wuxuu socon doonaa mudo 5 Maalin ah isagoo soo gabagaboobi doona 30ka Bishan aynu kuguda  jirno.

Tallaaalka6Tallaaalka8Tallaaalka17Tallaaalka11Tallaaalka15TallaaalkaTallaaalka1

 

Ibarahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles