Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Baladweyne oo lugu qabtey raggii dilka ugeestey guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamada degmada Baladweyne

$
0
0
Magaaladda Baladweyne

Magaaladda Baladweyne

Baladweyne[RBC Radio]Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maalintii labad kasocdey howlgallo la sheegey in lugu baadi goobayo dad dilal kalagadisan ka geestey guddaha magaaladda.

Howlgalladaan oo maantay  ay ka warbixiyeen saraakisha ciiidamada iyo maamulka gobolka ayaa waxaa lugu sheegey inay gacanta lugu dhigey dad dilel ka geestey magaaladda oo uu ka mid yahay ninkii ka danbeeyey dilkii Allaha u naxariistee guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamada degmada Baladweyne Macalin Xasan Cilmi Ciyow,kasoo dhawaan lugu diley magaaladda Baladweyne.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee gobalka Hiiraan Cabdi Bishaar Aadan oo warbaahinta lahadley isagoo kawarbixinaya ciida ay soo qabteen ayaa waxaa uu si cadd uu usheegey inay ciidamada amniga gobolka oo kaabo kahelaya kuwa AMISOM ay gacanta kusoo dhigeen ruuxi ka danbeeyey dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamada degmada Baladweyne.

Cabdi Bishaar Aadan waxaa uu sidoo kale sheegey in ciidamadu soo qabten dadkii dhaawaca ugeestey ganacsadaha caanka oo magaaladda Baladweyne ku noola,kaaso habeen ka hoor la dhaawacay.

Guddoomiyaha Degmada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegey in dhamanba ragga loohayo dilalaka magaaladda ka dhacay in xiligaan ciidamadu ay ku hayaan saldhigga degmada,dhawaana sharciga la horkeenayo.

Sidaa ay maamulku xaqijiyaan waxaa soconaya howlgalka lugu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladda Baladweyne.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles