Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Wafti ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaray gobolka Galgaduud

Image may be NSFW.
Clik here to view.
galgaduud
Caabudwaaq(RBC Radio) Wafti ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya,waftigan ayaa qayb ka ah gudi uu magacaabay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud kaasoo loogu tala galay iney tagaan gobolada dalka si ay wada tashi ku aadan Barnaamijka New Deal ay ula yeeshaan qeybaha kala duwan ee  bulshada Soomaaliyeed.

Waftigan oo ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa halkaas kulamo kula yeeshay maamulka iyo qeybaha bulshada degmadaas,gudoomiye ku xigeenka degmada Caabudwaaq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney kala hadleen waftiga dowladda sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira deegaanka.

Wuxuuna tilmaamay iney waftigu usoo bandhigeen maamulka degmada iney soo gudbiyaan baahida ugu weyn ee haysata dadka deegaanka si qeyb looga dhigo qorshaha dowladdu ay wado ee New Deal kaasoo lagu falanqeyn doono shirka Brussles ka furmaya bisha soo socota ee September.

Wuxuuna tilmaamay iney u gudbiyeen waxyaabaha ugu daran ee xiligan ay dadka degmadu doonayaan in gacan laga siiyo,isagoona tilmaamay in waxyaabaha ugu horeeya ee ay gudbiyeen ay ka mid yihiin in la dhiso Suuqa degmadaas oo gabi ahaanba burbursan iyo waxyaabo kale oo dhowr ah.

Waftiga ayaa lasoo sheegayaa iney maanta u kicitimeen deegaanka Balanballe ee isla gobolka Galgaduud halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan maamulka iyo waxgaradka deegaankaas,gudigan ayaa socdaalkooda ka bilaabay magaalada Muqdisho iyagoona sidoo kale gaaray gobolka  Shabeelaha dhex.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles