Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mudanayaasha baarlamaanka oo tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha ay wax ka weydiin doonaan wasiirka arimaha gudaha oo baarlamaanka looga yeeray

$
0
0

baarlamaanka jamhuuriyadaMuqdisho(RBC Radio) Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay doonayaan iney wax ka weydiiyaan  wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo shalay looga yeeray inuu baarlamaanka hor yimaado si ay u weydiiyaan su’aalo la xiriira amniga dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud  oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa tafaasiil ka bixiyey su’aalaha la doonayo in wax laga weydiiyo C/kariin Xuseen Guuleed  wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay iney wasiirka wax ka weydiin doonaan sababta ay madaxda dowladdu u caadeysteen iney Cambaareeyaan oo kaliya marka ay dhacdo dhibaato,sida qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarumaha maxkamadaha dalka iyo xarunta UNDP ee Muqdisho,wuxuuna tilmaamay ineysan suurta gal ahayn inaan la daba galin waxna laga baran dhacdooyinka xannuunka badan ee qaranka soo maray.

Xildhibaanka ayaa sheegay ineysan wax eed ah ku lahayn amni darrada magaalada ka jirta ciidamadu balse waxa uu tilmaamay iney dhaliishay leeyihiin madaxda amniga qaabilsan oo aan la imaan hogaamin wanaagsan oo wax looga qaban karo amniga dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Mudanahan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku taliyey iney dowladdu adeegsato dadka qubarada ah ee ku xeel dheer arimaha sugidda amniga,wuxuuna si soo jeediyey iney dowladdu ka faa’iideysato saraakiishii hore ee amniga Soomaaliya ee aqoonta durugsan u lahayd xaqiijinta nabadgalyada kuwa dalka ku sugan iyo xitaa kuwa dibadaha ku maqan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa inuu baarlamaanka hortago maalinta Axadda ah ee taariikhdu ay ku beegan tahay 28ka bishan Luuliyo.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles