Sh/hoose(RBC Radio) Alshabaab ayaa soo saaray tirakoobka weerarada ay dalka ka fuliyeen intii lagu guda jiray 15ka hore ee bishan Barakaysan ee Ramadaan,afhayeenka dhanka hawlgallada u qaabilsan alshabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay iney fuliyeen weeraro fara badan oo ay ku waxyeeleeyeen waxa uu cadowga ugu yeeray.
Abu Muscab ayaa sheegay iney fuliyeen 108 weerar 15ka hore ee bisha Barakaysan ee Ramadaan ,Abu Muscab ayaa tilmaamay iney weeraradani iskugu jiraan dagaalo fool ka fool ah,miinooyinka dhulka lagu aaso iyo Bambaanooyinka gananta laga tuuro.
Wuxuuna sheegay 41 kamid ah ay ahaayeen weeraro toos ah oo ay la galeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ee dowladda taageeraya,wuxuuna tibaaxay in 51 weerar ay ka geysteen Muqdisho oo kaliya maadaama ay tahay halka saldhigga u ah madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.
Wuxuuna daboolka ka qaaday iney goosteen iney kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo xarun u ah masuuliyiinta dowladda Soomaaliya,Afhayeenka ayaa intaa ku daray ineysan joojin doonin dagaalada,wuxuuna ku goodiyey iney sii kordhin doonaan dagaalada iyo qaraxyada ay dalka ka wadaan.
Abu Muscab ayaan sheegin tirakoobka dadka ay ku waxyeeleeyeen weerarada uu sheegay iney gaarayaan 108 weerar,wuxuuna intaa raaciyey iney dagaalo toos ah ka fuliyeen gobolo ay ka mid yihiin Baay,Sh/hoose,Bakool,Gedo iyo Jubada hoose.
RBC Radio