Hargeysa(RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Soomaaliland Inj. Faysali Cali Waraabe ayaa si kulul u weeraray Siyaasadda madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Siilaanyo inuu yahay kaligii taliye mayal adag oo maroorsaday taladii Soomaaliland.
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID Inj. Faysal Cali Waraabe oo wariyaasha kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaas ayaa ka dhawaajiyey iney dunida ka jiraan dhowr nuuc oo Diktaatooriyad ah,wuxuuna farta ku fiiqay in madaxweyne Siilaanyo uu yahay nin kaligii taliye ah.
Wuxuuna is barbar dhigay madaxweynihii hore eee Soomaaliye Jen. Maxamed Siyaad Barre iyo madaxweynaha xiligan ee Soomaaliland,wuxuuna daboolka ka qaaday in Siilaanyo uu Siyaad Barre ka dikteytarsan yahay uuna aaminsan yahay Kaligii taliya nimo midda ugu adag oo uu ku sheegay inuu bulshada ka dhaadhicinayo inuu dimuquraadiyadda tixgalinayo maamulkiisu balse waxa uu xusay iney doorashooyinka iibsadaan xukunkane ay isku koobeen.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay in fikirka ah in Xisbiga Kulmiye uu dalka haysto uusan sax ahayn,Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in talada Soomaaliland ay ku ururtay Shakhsiyaad oo ay Xisbi ka gudub tahay,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in waxyaabaha loo daba taagan yahay rag uu ka mid yahay oo Mucaaaradsan Siilaanyo iney tahay runta ay ka sheegayaan waxa ka socda Soomaaliland.
Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaanahan si isdaba joog ah u weerarayey dowladda uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo,Faysal ayaa dhawaan laga saaray ergada Soomaaliland uga qaybgalaysay wadahadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ku yeesheen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
RBC Radio
Hargeysa