Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub oo gabar Soomaali ah u xukuntay in la siiyo kumanaan kun oo doolar

$
0
0

euflag

Malta[RBC Radio]Gabar Soomaaliyed oo muddo ku nooled jasiirada Malta ayaa war kasoo baxay maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub waxaa loo xukumey in la siiyo kumanaan kun oo doolar oo magdhow ah.

Arrintaan ayaa ka danbeysey kadib markii maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub ay sheegtey in gabadhaan Soomaaliyed si xuun lugula dhaqmay oo aan munaasab ahayn xabsi ku yaala jasiirada yar ee Malta oo ay ku sugan yihiin kumaanan qaxooti Soomaali ah.

Sidoo kale maxkamaddu waxay mas’uuliyiinta Malta ku eedeysey inay la daaheen jawaabta dalab magangelyo siyaasadeed ah oo ay gudbisay gabadhaas Soomaalida,taaso sida ay sheegen kadanbeysey in xukun lacaged lugu soo rago Malta.

Docda kale maxkamaddan ayaa ku amartay dowladda Malta in gabadha Soomaalida iyo nin u dhashay Sierra Leone ay isku siiso lacag gaarayso 80,000 oo doolar taaso magdhow uu ah dhibaatoyin ay dalkaasi kala kulmen inta ay ku noolayen.

Dalka Malta ayaa ah jasiirad yar oo katirsan dalalka Yurub waxaana hoy ka dhigta kumanaan qaxooti ah kuwaaso si sharci daro ah ku gala dalkeeda, waxaana ay dhinaceeda Malta sheegtey inuu siyaadayo qulqulka qaxootiyada ka imanayo waddamada ka tirsan qarada Afrika oo ay Soomaali ku jiraan iyadoona dalbatey in gacan cawimo ay siyaan waddamada kale ee Midowga Yurub.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles