Djibuuti[RBC Radio]War-bixin ka soo baxday howgalka Atlanta ee ladagaalanka kooxaha Burcad badeedka Soomaalida lona soo gabiyo NATO ayaa lugu sheegey inay bilaabayaan qorshayaal ay ku doonayso inay kaga ammaan helan kaluumaysatada Soomaalida oo inta badan iyagoo lugu qaldayo Barcad badeed waxyoolo ay soo garto.
Ciidamada ka howlgalla xeebaha Soomaaliya ka ag dhow ayaa lugu wada in labaro sida ay uga gaashaman karan inay iska ilaaliyan khatar ay ugeestan Kaluumaysatada Soomaaliyed,kuwaaso inta badan ka cawda dhibato ay u geestan ciidamada NATO ee ladagaalanka Burcad badeeda.
Maalinka berri ah ayaa lugu wada in Djibuuti uu ka furmo tababar loo furayo ciidamada meleteriga ah ee NATO,iyadoona labari doono qorshayaal cusub oo ay ku howlgali doonan.
Qorshayaasha labari doono ciidamada NATO ayaa lugu sheegay inay ka mid yihiin xoojinta ladagaalanka Burcad badeeda iyo ilaalinta in dhibaato ay soo garto Kaluumaysatada Soomaaliyed oo an lugu qaldin Burcad badeeda.
Ciidamada NATO ayaa sidoo kale usoo jesan doona sidii ay uga hortagi lahaayen in weerar Burcad badeedu kusoo qado maraakiibta qaada shixnadaha loo wado howgalka AMISOM ee koonfurta dalka nabad ilaalinta ujooga,sidoo kale waxaa ay xooga saari doonan inan wax weerara ah uga iman Burcad badeeda maraakiibta gargaarka sida WFP.
Kooxda Burcad badeeda Soomaaliya ayaa la sheegey inay awoododi wiqantay kadib markii ciidamada ilaalada badda Soomaaliya ay ka hortageen inay qafaashan maraakibta goosheysa xeebaha ka agdhow Soomaaliya.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio