Muqdisho(RBC Radio) Kulanka maanta ay mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho oo uu shir gudoominayey Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 169 Xildhibaan,ajndaha kulanka maanta ayaa ahaa inj wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya uu mudanayaasha ka hor akhriyo hindise sharciyeedka duulista rayidka ah iyo saadaasha hawada iyo dhaarinta mudane cusub oo bedelay xildhibaan geeriyooday.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi,furitaanka kulanka kadib ayaa waxaa xilka xildhibaanimo loo dhaariyey Ubax Tahliil uu bedeshay xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale oo geeriyooday,waxaana intaa ka kadib la guda galay dhegeysiga akhrinta wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada ay la wareegi doonto hawada soomaaliya 31bisha December ee sanadkan isla markaane bilowga sanadka soo socdana hawada soomaaliya si toos ah looga maamuli doono magaalada muqdisho.wuxuuna sheegay in heshiiska uu qeyb ka yahay in laga bilaabo bartamihii sanadkan aan ku jirno aan wax qalab cusub oo danbe la geeynin garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya taa bedelkeedane la keeno garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
C/llaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in hawada Soomaaliya laga maamuli doono meel ka baxsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka,wuxuuna tilmaamay in sheegay in xarunta hay’adda ay tahay magaalada Muqdisho oo aan laga rari Karin.
Qodob kamid ah heshiis ay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa dhigayey in xarunta laga maamulayo hadawada Soomaaliya ay noqoneyso magaalada Hargeysa.
Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka hor dhigay su’aalo dhowr ah oo ku saabsanaa Hindise Sharciyeedla duulista rayidka ah iyo Saadaasha hawada ee uu maanta markii labaad ka hor akhriyey mudanayaasha baarlamaanka federaalka,wasiirka ayaa dhammaan ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey.
Gudoonkii kulanka golaha baarlamaanka federaalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka soo xiray waxaana loo ballamay in akhrinta 3aad ay baarlamaanka sharcigan ka yeelan doonaan dood kulul.
RBC Radio
Muqdisho