Sh/h(RBC Radio) Wararka aynu ka heleyno deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in askar ka tirsan Milateriga dowladda Soomaaliya ay dhaawac u geysteen taliyihii ciidamada nabad sugidda gobolka Shabeelaha Hoose Col.Catoosh,waxaana weerarkaas lagu dilay dhowr kamid ahaa ilaalada taliyaha.
Gudoomiyaha deegaanka Lambar 50 C/llaahi Cali Axmed Waafow ayaa warbaahinta u sheegay iney taliyaha ciidamada nabad sugidda ay dhaawac u geysteen ciidan beeleed ay Isbaaro u taallo duleedka Lambar 50 kuwaas oo sida uu sheegay huwan Shaar Dowladeed sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna tilmaamay in shalay gabal dhicii taliyaha iyo Istaafkiisa oo Muqdisho kasoo ambabaxay ay raggaasi jidka u galeen kadibne ay rasaas la dheceen,wuxuuna sheegay in gaariga Taliyaha dhammaan Istaafkii la nsocday ay geeriyoodeen taliyahune uu dhaawacmay,wuxuuna sheegay iney Meyd ahaan uga tageen balse uu ilaah ka badbaadiyey isku daygii la doonayey in lagu khaarajiyo.
Wuxuuna sheegay in kooxdaasi ay badbaadiyeen Darawalkii waday gaariga taliyaha nabad sugidda kadibne ay u sheegeen inuu Meydka u qaado halkii uu ka keenay,gudoomiyaha Lambar 50 ayaa intaa ku daray in falkani uu daba socday dagaal beeleed subaxnimadii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.
Dhaawaca taliyaha iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa xiligan lagu dabiibayaa Cisbitaalka Daaru Shifaa ee magaalada Muqdisho,waxaana la tilmaamayaa in xaaladiisa caafimaad aysan halis ahayn.
Gudoomiyaha deegaanka Lambar 50 ayaa sheegay iney gobolka Shabeelaha hoose duulaan kusoo qaadeen dad meelo fog fog ka yimi kuwaas oo sida uu sheegay doonaya iney gobolka qabsadaan.
RBC Radio
Muqdisho