Muqdisho(RBC Radio) Qaraxa Miino oo aad u weyn ayaa saaka aroortii hore ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miino,maamulka degmada Wadajir oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta uga waramay sida ay halkaas wax uga dheceen.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Macalin Maxamuud Saneey oo goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa Miino lagu diyaarinayey guriga ay ka qaraxday,wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray kooxdii ku hawlaneed diyaarinta qaraxa.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in markii ay goobta gaareen ay ugu tageen 2 Nin oo Meyd ah oo guriga ku jiray kuwaas oo uu sheegay iney yihiin raggii diyaarinayey Miinada qaraxday,wuxuuna intaa ku daray iney jiraan dhaawacyo soo gaaray dad deris la ah guriga ay Miinadu ka qaraxday.
Macalin Maxamuud Saneey ayaa sheegay iney hadda goobta baaritaano ka wadaan ciidamada Miino baarka AMISOM si loo hubiyo iney Miinooyin aan qarxin ku aasan yihiin goobta,waxaana la weydiiyey gudoomiye ku xigeenka sida ay ku xaqiijin karaan in dadka dhintay ay yihiin kuwii Miina