Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegtay in ciidanka dowladdu ay dhawaan isku filaansho buuxda gaari doonaan

$
0
0

fiqiMuqdisho(RBC Radio) Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney ku socoto wadadaii ay dowladda Soomaaliya uga maarmi lahayd ku tiirsanaanta cududa ciidamada Shisheeye ee dowladda taageeraya,Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo wareysi siinayey Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka-Soomaaliga ayaa daboolka ka qaaday in wasaaraddu ay ku hawlan tahay sidii loo diyaarin lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay dadaal ugu jirto sidii ciidamada qaranka loogu heli lahaa Taakulada ay u baahan yihiin,wuxuuna sheegay iney bilaabeen tababarka iyo qalabaynta ciidamada si ay isku filaansho u gaaraan isla markaane ay u hantaan amniga dalka oo ay xiligan gacanta ku hayaan intiisa badan ciidamada Shisheeye ee dowladda gacanta siinaya.

“Waxaan dadaal ugu jiraan sidii ay ciidamadu ku heli lahaayeen taakulaynta ay u baahan yihiin waxaan  ku soconaa wadadii wadada aan ciidanka isku filaansho ku gaarsiin lahayn,waxaan rajeynaa inaan mardhow ka maarmi doono kaalmada wadamada deriska”ayuu yiri wasiirka Gaahaandhigga Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in wdamada adduunka looga baahan yahay iney garab istaagaan dowladda Soomaaliya si Soomaaliya mar kale loogu soo celiyo xasiloonidii iyo kala danbayntii,wuxuuna xusay in xiligan ay u baahan yihiin taageerada ciidan ee wadamada gobolka balse waxa uu sheegay iney waqtiyada dhow ku han weyn yihiin in ciidanka Soomaaliyeed ay gaari doonaan isku filaansho buuxda.

 

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles