Jowhar(RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa kusoo waramaya in habeenkii xalay ahaa meel duleedka ka ah magaaladaasi kufsi loogu geystay Gabadh dhalinyaro ah taasoo markii danbane la dilay.
Wararka aan saaka ka heleyno Jowhar ayaa sheegaya in Gabadha oo da’deedu ahayd 25 sani Jir loo geystay Kufsi kadibne si naxariis darro ah Toorey loogu dilay,Gabadha la kufsaday kadibne la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mako Jiin waxayna ka mid ahayd beeraleyda ku dhaqan duleedka magaalada Jowhar.
Wiil ay walaalayihiin Gabadha sida arxan darrada ah loogu tacadiyey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Walaashii ay shalay katimid Beeraha kadib markii ay Jowhar timi ay ehelada u sheegtay inuu nin qashqashaaday balse uusan wax dhibaato ah u geysan,wuxuuna tilmaamay in markii ay galabnimadkii magaalada ka Carowday ay raacday gaari.
Wiilka ayaa sheegay in walaashii markii ay beeraha gaartay ay la kulan tahay ninka kufsiga u geystay oo ku sugayey beerta,wuxuuna sheegay in Gabadha walaashii ahayd ee la kufsaday kadibne la dilay ay ahayd qof xoog leh,wuxuuna tilmaamay iney muddo badan dagaalameysay ninka dhibka u geystay.
Wuxuuna intaa ku daray in Gabadha walaashiis ah uu ninkaasi ugu danbeyntii dil iyo Kufsi iskugu daray,wuxuuna tilmaamay in Meel walba oo jirkeeda ah ay ku yaallaan dhaawaca Toorey uu si naxariis darro ah ula dhacay.
Intaa kadib ayuu sheegay iney magaalada ay ka gurmadeen ehelada iyo ciidanka maamulka,wuxuuna sheegay in xalay Afar Saac ay beerta ugu tageen Mako oo geeriyootay,wuxuuna intaa raaciyey iney guda galeen baadi doonka gacan ku dhiiglaha oo sida dhaqanka Soomaalidu yahay ay ku baadi dooneen raadkiisa.
Wuxuuna sheegay in Xalay saqdii dhexe ay gacanta kusoo dhigeen ninkii dhibaatada walaashii u geystay xiligane ay gacanta ku hayaan ciidanka maamulka oo su’aalo ku weydiinaya Saldhigga booliska magaalada Jowhar.
Dhacdadan ayaa waxaa si kulul u cambaareeyey bulshada reer Jowhar gudoomiyaha haweenka magaalada Jowhar Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa sheegtay in dhacdada nuucan ahi ay tahay mid ku cusub maqalka dhegaha dadka reer Jowhar isla maraaken ay si aad ah uga xanuunsanayaan.
RBC Radio
Jowhar